Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhibaatada Dadka Soomaaliyeed Ay Kala Kulmaan South Africa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarada daran ee ka dhanka ah muwaadiniinteeda , laguna boobayo hantidooda iyo shirkadahooda .

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya waxaa naxdin ku noqotay xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed , iyadoo la ogsoon yahay taageerada xoogan ee Soomaaliya ay u fidisay loolankii dheeraa ee guuleystay ee Koonfur Afrika ay ku diidaneed midab takoorka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Taariikhdu waxa ay marqaati ka tahay tallaabooyinka Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya ay u qaadeen si loo sugo xoriyadda Shacabka walaalaha ah ee Koonfur Afrika , waxaa lagu bixiyay dadaalkaasi hanti iyo taageero dhinacyo badan leh si loo gaaro Koonfur Afrika oo xor ah .

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Jaalle , Maxamed Siyaad Barre waxa uu yiri ” Gobonimada iyo Xoriyadda aan heysanno wax micno ah ma lahan iyo faa’ido , xilli walaalaheena South Africa ay yihiin kuwa la dulmiyay oo ka xaniban xuquuqdoodii oo aaney laheyn aaya-katashi, annaga iyo wadamada Afrika waxaanu laba laabi doonaa dadaalkeena si aan caalamka ugu baraarujinno xaaladda halista ah ee ka taagan Koonfur Afrika , waxaa waajib nagu ah inaan taageero farsamo iyo mid niyad ah aan u fidinno dhaq dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika , si dal waliba oo Afrika ah uga xoroobo kuwa boobaya kheyraadka , dhaawacna u geysanaya karaamada iyo sharafta Afrika”.

Sidaas darteed , dhaqankaasi colka ku ah shisheeyaha iyo badownimada ay muujiyeen kooxda xadgudubyada soo noq-noqday geysaneysa ma ahan mid la aqbali karo. waxaanu soo dhoweyneynaa faragelinta degdega ah iyo cambaareeynta uu jeediyay Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, oo todobaadkan ka hor sheegay ​​​Baarlamaanka in Dowladiisa aaney cafin doonin dadka geysta weeraradan oo kale ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee sida wacan u shaqeysanaya ee degan Koonfur Afrika, annagu waxaanu taageereynaa hadalka Madaxweynaha ee ah in weerarada noocani oo kale aan loo sameyn karin marmarsiinyo.

Sidaas darteed , waxaanu ugu baaqeynaa Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika inay qaado tallaabooyinka degdega ah ee Lagama maar-maanka ah si loo hakiyo weeraradan ka dhanka ah muwaadiniinta , lana maxkamadeeyo dhammaan dadka ku lugta leh dambiyadan.

DHAMMAAD

 

Previous Post

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Soo Gabagabeynayay Todobaadka Dhir Beerista Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In