Tuesday, November 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in lala xisaabtami doono hay’adaha mashaariicda ka wada dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda iyo Maamulada dalka ay iskaashanayaan la xisaabtanka Hay’adda Mashaariicda ka fuliya Gobolada dalka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in lala xisaabtami doono hay’adaha samafalka ee ka howlgalla dalka, kuwaasi oo uu sheegay in mashaariic isku mid ah ay ka fuliyaan qaar ka mid ah degmooyinka iyo gobollada dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025

“Waxaa soo baxday inay lagama maarmaantahay in la ogaado dalka maxaa ka socda, yaase wada, maxaa la qabanayaa, maxaase ku baxaya, waxaa jirta in hal degmo laga fuliyo mashaariic isku mid ah, hal ceel laga qoday, ceelkana laga qado, iyadoo ay jirto magaalada kale ee dariska la ah inaysan lahayn hal ceel oo dadka ku nool ay biyo la’aan heysato, tusaale magaalo saddex iskuul laga dhisay iyo xarumo caafimaad iyo kuwa ku dhow oo aan istaas lahayn, marka waxaan rabnaa in la xoojiyo la xisaabtanka hay’adaha ka howlgalla dalka”ayuu yiri Wasiiru dowladaha Arrimaha gudaha.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay inaysan jiri doonin mashaariic oo aan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira dalka ka warqabin in laga fuliyo gobollada dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hoosta ka xariiqa in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay si wada jir ah uga shaqeyn doonaan la xisaabtanka hay’adaha mashaariicda kala duwan ka fuliyo dalka.

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday Bardaale “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday Bardaale “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday Bardaale "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran...

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025
0

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa maanta ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan, guddigan oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse...

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In