Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay in Midowga Afrika Ergay u soo magacawdo Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta: Imaaraadku ma aqoonsana dowladnimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bismilahi Raxmani Raxiim

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa soo jeedinta ku saabsan Ergey gaar ah oo ka socda Midowga Afrika, kaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhowaan ka codsaday Guddoomiyaha Midowga Afrika, Madaxweynaha Congo Félix Tshisekedi si arrimaha Afrika ay uga wada shaqeeyaan Afrikaanku

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxa ah dareen iyo suaal ka muujinaysaa hadalkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika (PSC) ku cambaareeyey go’aankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee 12kii April ee ku saabsanaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah iyo metelaad shacab oo dhammaystiran. Ma jiro urur caalami ah, ama urur goboleed oo sharciyan cambaarayn kara go’aan Baarlamaan dal madaxbanaan. Arrintaas waxan u sheegaynaa in aanay ahay sharci. DFS ma soo dhoweynayso hadalkaas.

Dowladda Federalka Soomaaliya waxay u aragtaa mid aan sax ahayn qoraalkii Golaha ee loogu soo jeedinayey Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa mid niyad jebinaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Sidoo kale dowladdu waxa ay u aragtaa qodobkaasi in uu yahay mid sharci darro ah. Sababta oo ah wuxu si cad uga hor imanayaa Maandhaytka ama waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku cad qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2568 ee soo baxay 12kii March 2021. Waxa kale oo uu ka hor imanayaa Qorshaha Soomaaliya ee Masuuliyad kala wareegidda Ciidamada AMISOM (The Somali Transition Plan) (STP) oo soo baxay Febraayo 2021. Sidoo kale waxa ay gef ku tahay sharafta, qabka iyo haybadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxu taageero iyo hiil u noqonayaa, culayskana ka qaadi karaa ururada argagixisada ah ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed habeen iyo maalin dagaalka kula jiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay, walaac xooggana ka qabtaa waddamada Kenya iyo Jabuuti oo olole xooggan u galay sidii Goluhu u soo saari lahaa go’aammo liddi ku ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda JFS.

Waxaanuna is cad u sheegaynaa Soomaaliya in aanay kalsooni ku qabi doonin shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay guddoominayaan ama ka talinayaan waddamada aanaan heshiiska ahayn, taas oo uu noo ogolaanayo qodobka 11aad ee a Protocal ka Golaha Nabadda iyo Ammaanka oo si cad u sheegaya in meel looga soo wada jeesto, go’aanna laga qaato wixii waxyeelaya madaxbanaanida dal Afrikan ah.

Ugu dambayn waxan waddamada Afrika ugu baaqaynaa in ay ka wada shaqeeyaan nabadda, ammaanka iyo iskaashiga qaaraddooda, mushkiladohoodana ku xaliyaan xeerarkooda iyo axdiyada u degsan.

Previous Post

Hay’adaha xuquuqda aadanaha oo sheegay in sanadkii la soo dhaafay Yaman lagu dilay caruur ka badan 1,400

Next Post

Wasaaradda Amniga oo magacawday guddi soo baara dhacdadii Garoonka Aadan Cadde

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Wasaaradda Amniga oo magacawday guddi soo baara dhacdadii Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In