Monday, May 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xulka 17-jirada K.Cagta Soomaaliya waa halyeeyo Qaran

admin by admin
May 3, 2018
in Wararka
0
Xulka 17-jirada K.Cagta Soomaaliya waa halyeeyo Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Soomaaliya waxaa soo maray halyeeyo ka soo muuqday tartamada Caalamka ka dhaca, kuwaasi oo guulo ka soo hooya fagaarayaasha lagu hardamo, waxaana ka mid ah bilad dahable Cabdi Bile Cabdi waa oradyahan caan ah oo ummada Soomaliyeed aad u jeceshahay wuxuuna Soomali gaarsiyay guul ayna waliged gaarin. wuxuu noqday Somaligii ugu horreeyay ee ku guulaysta oradka aduunka ee 1500 mitir oo ka dhacay magaalada Roma sanadkii 1987 iyo kii ka dhacay Magaalada brussles ee Dalka Biljam-ka kuna guulaystay biladda dahabka.

Cabdi wuxuu kaloo kaalinta seddexaad ka galay oradka adduunka sanadkii 1993 dii oo ku guulaysta kaalinta 3-aad wuxuuna helay bilada naxaasta, wuxuu kaloo Cabdi Bile ka galay ciyaaraha fudud ee afrika kaalinta sedexaad, Halyayga Cabdi Bile waxaa lagu sharfay inuu calanka u sido orodyahanada Somalia u matalayay ciyaaraha olombikada ee london ka dhacay sanadkii 2012. Bile oo ah halyay somalidu si fiican u jeceshahay waxaa uu kunool yahay wadanka maraykanka. Cabdi Bile yaraan tiisii wuxuu ku ordi jirey buurta sayidka oo kutaala magaalada laascaanood, waana halyeey Soomaaliyeed.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Olympiga ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1959-kii, ayay xiriika caalamiga ee ciyaarah olympigu aqoonsadeen sandkii 1972-kii markaas oo ay Soomaaliya u suurta gashay inay isla sanadkaasba markii u horraysay ka soo qeyb gasho ciyaarihii lagu qabanayey magaalada Munich ee dalkii jarmalka galbeed.
Fursadaasi cusub waxay u saamaxday Soomalida inay soo dirsadaan ciyaartooydoodii ciyaaraha fudud kuwoodii u wanaagsanaa, kuwaasi oo laga xusi karo boodaaga Soomaaliyeed ee Cabdulle Nuur Waasuge oo booda bootinta dheer iyo tan sareba. Waasuge waxuu sanadkaasi muujiyey dadaal iyadoo uu bootinta dheer ku boday 7.35m, halka ninka sanadkaasi ku guulaystay billadii dahabka ahayd William Randy ( USA) uu ku buuday 8.24.

Ciyaarihii Munich waxaa aad loo xasuustaa weerarkii ay koox falstiiniyiinta ahi ku qaadeen kooxdii ka socotay Israel 5 sep 1972, halkaas oo ay ku dileen 9 ciyaartooy markii dambena raggii weerarka soo qaaday ay dileen booliska jarmalka, isagoo sanadkii 1973-kii ka qeybgalay ciyaaro ka dhacayay Dalka Nayjeeriya, wuxuuna hantiyay Bilad dahab ah.

Haddaba waxaa iyana baal dahab ah ka galay taariikhda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee 17 jirada oo kaalin wanaagsan ka galay taratankii Kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, kaasi oo lagu qabtay Dalka Burundi, waxaana ciyaartii ugu dambeysay isugu soo baxay Xulalka Soomaaliya iyo Tansaaniya.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiisa badneyd una dhaxeysay Xulalka 17-jirada ee Soomaaliya iyo Tanzaaniya ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka Burundi,waxaana 2-0 guusha ay ku raacday Xulka dalka Tanzaania, taasoo la dhihi karo waxaa ku heer sarreeyay Xulka Soomaaliya, balse waxaa la arkayay dhowr Gool oo ay Xulkeenna dhaliyeen oo uu garsoorku diiday, lama oga sababta loo diiday Goolashaasi.

Ciyaarta waxa ay qeybtii hore ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo ay Soomaaliya ku gacan sarreysay,Daqiiqadihii hore waxaa da’ay Roob oo ku dhowaad 30-daqiiqo sabab u noqday in ciyaarta la hakiyo, Markii la soo laabtay ayaa Xulkeenna Soomaaliya ee 17-sano jirada ay halkoodii ka sii waday beegsigoodii Goolka Xulka Tanzaaniya,waxaana u suurta gashay insy dhaliyaan labo gool,balse uu garsooraha uu ka diiday.

Ciyaartaasi ayaa waxaa daawanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) iyo Mas’uuliyiin ka socday Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Africa.

Xulka Qaranka Soomaaliya matelya ee 17-jirada ayaa waxaa wareegi Sami-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay 2-1 uga soo badisay Kenya. Sidoo kale Xulka da’yarta ee 17-jirada Soomaaliya waxa ay horay uga soo badiyeen xulalka Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ay barbarro galeen, iyagoo taratanka Ciyaartooyda Bariga iyo Bartamaha afrika ka galay kaalinta 2-aad, waana markii ugu horreeysay oo ay Soomaaliya gaarto kaalintaasi.

Haddaba sidee loo dhaweeyay?, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ciyaartoyda 17-jirada Dalkeena Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah kasoo hoyay Tartankii Cecafa ee lagu qabtay Dalka Burundi.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Da’yarta Qaranka Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul wasaare Kheyre uu ugu hambalyeeyay Ciyaartoydeena guusha ay soo gaareen.

Tartanka Cecafa waxaa ka qeyb galay Siddeed wadan oo kala ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya, waxaana koobka ku guuleystay Dalka Tanzania oo Xulka Qarankeena Ciyaartii Finalka kaga adkaaday 2-0 inkastoo bandhiga iyo awooda ciyaarta ay gacanta ku hayeen Da’yarta dalkeena, waxaana Soomaaliya ay sidaasi ku gashay Kaalinta Labaad, sidaasi daraadeed waxay mudan yihiin Da”yartasi soo hooyay guushaasi taariikhiga ah in loo hambalyeeyo, islmarkaana lagu dhiirigaliyo dadaalka ay muujiyeen iyaga iyo macallinkooda, waxaana dhihi karaa Xulka 17-jirada Soomaaliya waa halyeeyo Qaran.

W.Q:- C/llaahi Ruush

Previous Post

Ergeyga Qaramada Midoobay oo bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Maalinta Saxaafadda Adduunka

Next Post

Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti+Sawirro

Next Post
Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti+Sawirro

Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti+Sawirro

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In