Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Kubadda Cagta ee Puntland oo u soo gudbay kama dambeysta tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Cayaartoyda Xulka G/Benaadir oo guul ka gaaray dhigooda Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka kubada Cagta ee Puntland ayaa iska xaadirisay kama dambeyska koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ee ka socda garoonka Koonis Stadium kaddib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda martida loo ahaa ee Banaadir.

iyagoo uga mahadcelinaya gool qurxoon uu u dhaliyay Yacquub Cismaan Maxamed.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan, waxaana labada dhinac ay soo bandhigeen cayaar wanaag aad loo jecleystay oo ay ku farxeen dhamaan taageerayaashii u soo daawasho tegay cayaarta, inkasta oo xidigaha Puntland ay heleen fursado badan.

Qeybtii labaad ee cayaarta waxa ay ku bilaabatay mid dar dar xoogan leh, waxaana labada xul ay sameeyeen fursado badan,  balse daqiiqaddii 77aad ee cayaarta ayaa xidiga Yacquub Cismaan Maxamed uu xulkiisa u dhaliyay gool qurux badan, taasi oo keentay in Xulka kubadda cagta ee Puntland ay hogaanka cayaarta la wareegaan.

Xidigaha Gobolka Benaadir ayaa isku dayay inay abuuraan fursado ay ku bareejeeyaan Xulka Puntland balse ma aysan u suurta gelin, waxaana cayaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Xulka Puntland, sidaas ayay ku tiigsadeen finalka tartanka, waana markii labaad ee Xulka Gobolka Benaadir lagu reebo wareegga afar dhamaadka ee tartanka oo ay ka badiyaan Xidigaha Puntland.

Puntland oo difaacaneysa koobkaan ayaa waxa ay finalka ku sugeysaa midkii soo baxa kooxaha Koonfur Galbeed iyo Juballand oo berri ku ciyaaraya garoonka Koonis Degmada C/casiis ee Gobolka Benaadir.

Sannadkii hore Puntland waxa ay koobka ka qaadeen finalka xulka Jubbaland, kuwaasoo haatan semi-finalka jooga.

 

 

 

Previous Post

Shir ku saabsan dhismaha Gole deegaan oo ay yeeshaan Baydhabo iyo Baraawe oo la daah furay

Next Post

Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Next Post
Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In