Xirirka kubada cagta ee mini Football ayaa saakay u safray ka qayb galka koobka qaramada qarada afrika ee Mini football-ka oo Soomaaliya ay qayb ka tahay.
Wafdiga ka baxay muqdisho ayaa waxaa hogaaminayay Xoghayaha xirirka Kubad-Cag yaraha Soomaaliya Xaaji Aadan Abdulle iyo Macalinka Xulka Qaranka Kubad Cag-yaraha Soomaaliya Macalin Iskoot.
Ciyaartoyda Sanadkaan mataleysa Mini Football-ka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah kabtankii maamul gobeeladka Jubbaland Yoonis C/Raxmaan Maxamed kaasi oo saxiixay goolkii Jubaland ay ku hanatay Koobkii Maamul Goboleedyada ee sanadkii hore la qabtay, Yoonis waxaa ku wehliya Fu,aad Maxamed Yuusuf oo sidoo kale ka mid ahaa xidigihi u suurta geliyay in Jubbaland ay ku guuleysato tartankii maamul goboleedyada iyo ah Goolhayihii xulka Putnland ee kama danbeysta tartanka maamul goboleedyada soo gaaray balse Jubbaland ay ku guuleysatay C/Laahi Cali Shiine.
xidigaha sanadkaan matali doono Mini football-ka ayaa ah kuwa laga soo xulay ilaa iyo dhowr magaalo qaarkood waxay ka Imaan doonan dalka dibadiisa ayadoo Soomaaliya Berito ay Ciyaari doonto Kulanka Ugu Horeeya ee Tartanka Koobka Qaramada Qarada Afrika Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in ka qayb gasho sanadkii ugu horeyay ee la qabto.
Somaaliya ayaa ka sanadkaan gashay Group-ka B oo ah Group-ka ugu adag tartanka dalalka Soomaaliya ay ka hor tagi doonto ayaa waxaa ka mid ah Ivory Coast Ghana iyo Liibiya Soomaaliya ayaa kula dagaalami doonto dalalkaasi group-ka B waana markii ugu horeysay ee xirirka kubad cag-yaraha afrika uu qabto tartan ay isugu imaanayaan dalalka qaarada afrika.