Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay, laguna maamuusayay 1-da Luulyo iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa lagu qabtay Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika.

Xafladan oo ay qabanqaabiyeen Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee magalaadaasi ayaa waxaa ka soo qeybalay xubno ka socday Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Ganacsato, dhallinyarro iyo haween oo qaarkood ku asqeysanaa dharka Calanka Soomaaliya, waxaana Xafladaasi qudbado ka jeediyay qaar ka mid ah kasoo qeybgalayaasha ayaa ka sheekeyay habeenkii weynaa ee israaca labada Gobol.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Abuukar Cabdi Guddoomiyihii hore Jaaliyadda Soomaaliyeed SASA ee Gobolka Kwazulu Natal oo ka hadlay madasha Xaflada ayaa yiri. “Waa Xafladdii Xoriyadda Soomaaliya 1-da July ee waa lagu qasbanyahay inuu kasoo qeybgalo, Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inuu qof walba ka qeybqaato”

Cabdullahi Xuseen Jirdi oo isna ka hadlay ayaa hambalyo u diray Madaxda Qaranka iyo guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed waxaana uu yir, “Waxaan hambalyo halkaan ugu direynaa Madaxdeenka Qaranka Soomaaliyeed, qaas ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Gudoomiyaha Barlamaannka Mudane Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid waxaan leeyahay Calanka Soomaaliya dad baa u soo dhintay dad baa halkaan soo gaarsiiyay, idinkane ballan baad qaadeen iyo mideyntii dhallinyarada aad kaga saareysiin Shabaabka oo aad waxbarashada ku hogaaminaysiin inaad u istaagtiin”

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Bashiir Maxamed Goobe oo ka mid ahaa qabanqabaayasha oo isna qudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dadkii kasoo qeybgalay oo ay Safaaraddu ugu horeyso isagoo dhinac kala la dardaarmay dhallinyarada.

“Waxaa fiican in la fikiro meesha aan joogno ma ahan gurigeena Wadankeena sidaan ugu laaban laheen oo aan u dhisan laheen,kana an joogno aan ugu midoobi laheen inaan ka shaqeynayo waaye”

Ugu dambeyntii waxaa soo gabagabayeey Xafladan lagu maamusayay 1-da Luulyo ayaa waxa uu ka hadlay taariikh ku saabsan ahmiyadda ay leedahay habeenkan qiimaha badan.

“Safaaradda Soomaaliyeed gadaal ayay ka riixaysa Barnamaijkaan laakiin dhalinyarada Soomaaliyeed baa samaysatay Barnaamijkaan,waa inaan maalmahan xususidda mudan aan u dabaaldagnaa”

Intii ay Xafladda socotay ayaa waxaa sidoo kale dhallinyarada soo bandhigeen Riwaayad aad u soo jiidatay kasoo qeybgayaalasha waxa ay Xafladda kausoo gabagabowday jawwi aad u wanaagsan.

 

                C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka,Pretoria


 

Previous Post

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, "SAWIRRO"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In