Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 weeks ago
in Wararka
0
Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxaha Khawaarijta,waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan u gudbay nidaam sal adag oo horseeday nabad iyo barwaaqo.

 

Tira-koob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

 

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee uu geystay qaraxaasi,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal badan.

 

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool guddaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

 

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

 

Inkastoo dib u dhis wanaagsan uu ka muuqdo goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe,haddana falkaasi ay ka dambeeyeen kooxda khawaarijta waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda.

 

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha khawaarijtu ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda,sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dadka.

 

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacaba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada,ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha dalka .

 

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

 

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amniga dalka.

 

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobbe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Next Post

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Next Post
Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In