Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 15-ka May oo lagu qabtay Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xuska 15-ka May oo lagu qabtay Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay, oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, isla markaana lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyed ee 15-ka May ayaa lagu qabtay xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb degmada Cadaado ee Gobolka Gaduud.

Munaasabadda waxaa kaloo ka qeyb galay qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Gobollada Mudug iyo Galgaduud, qeybaha kale ee bulshada iyo marti sharaf kale, iyadoo intii ay socotay xafladda lagu soo bandigay suugaan ka turjumeysa ahmiyadda ay maalinta oo kale u leedahay bulshada.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Ugu horeyn waxaa xafladda daahfuray guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Welhliye Cirfo ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay jogaan, waxaana uu intaa ku daray in maamulkiisa gobolka uu dhiiri gelinayo sidii ay dhalllinyarada uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka gobolka.

Dr Maxamed Cilmi Afrax oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada ee Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan munaasabadda 15-ka May awgeed, isagoo ugu baaqay dhallinta in ay ka faa’iideystaan fursadaha ay maanta haystaan  oo ay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (baarleex) ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb galka munaasabadda lagu weynaynayo xuska 15-ka May.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odowaa) ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay dhiir gelinayso sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada, waxaana uu intaa ku daray in dhallinyarada looga fadhiyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi farxadeed.

1 2 3 4  6 7 8

????????????????????????????????????

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Next Post

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo Balcad lagu soo dhaweeyay

Next Post

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo Balcad lagu soo dhaweeyay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In