Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo Balcad lagu soo dhaweeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 16, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo kamid ah musanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soojeeda degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa gaaray degmada, ayadoo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin iyo qeybaha bulshada ee degmada Balcad.

Guddoomiyaha degmada Balcad Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa ka mid ah dadkii soo dhaweeyay xildhibaankan oo lagu beddelay Alle ha u naxariistee Cumar Furdug oo ku geeriyooday qaraxii hoteelka Centeraal ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Gudoomiyaha degmada Balcad ayaa sheegay in maalin farxadeed u tahay maanta wuxuuna baarlamaanka iyo madaxda dowlada soomaaliya ugu mahad celiyay sida ay ugu ogolaadeen in xildhibaanka cusub loodhaariyo xilkaas.

“Maanta, maalin farxadeed ayay noo tahay farxadda aan ku soo dhaweeyneyno xildhibaankeena cusub xildhibaan Qaasim Cali Nuur ….Waxaa leeyahay ku soo dhawoow waxaana kugu soo dhaweeynaa degmada Balcad oo degmadiisa ah isagoo xildhibaan ah isagoo rabo in uu guto xaqa ay ku leeyihiin dadka reer Balcad:.

Xildhibaanka Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in uu u shaqeyn doono bulshada Soomaaliyeed si gaar ah dadka degmada Balcad ee uu matalo.

“Aad ayaan ugu farax sanahay in aan maanta imaado degmada Balcad anigoo xildhibaan ah aan deganaado aana ka dhax shaqeeyo degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe”.

Previous Post

Xuska 15-ka May oo lagu qabtay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Shaqaalaha wasaaradda beeraha oo siminaar loo furay

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac  ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed

Shaqaalaha wasaaradda beeraha oo siminaar loo furay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In