Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska dhalashada Nabigeenna Muxamad (NNKH) oo lagu qabtay Masjidul Towfiiq ee degmada Yaaqshiid

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xuska dhalashada Nabigeenna Muxamad (NNKH) oo lagu qabtay Masjidul Towfiiq ee degmada Yaaqshiid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaaan lagu weynaynayay dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH) oo ay soo qaban qaabiyeen Jameecada reer Sheekh Daa’uud Culosow qeybta masjidul Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ka qeyb galay culimaa’udiin ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, oo uu ka midyahay Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud Sheekh Cismaan Xidig.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay culimadii ka qeybgashay oo uu ka midyahay Sheekh Cabdinaasir Cali Mowliid ka sheekeeyeen taariikhda dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH), iyagoo bulshada ugu baaqay inay u istaagaan weyneynta bisha mowliid oo ah bishii u dhashay Nabigeena, isla markaana ay isu gurmadaan Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Shariif Maxamed Maxamuud oo ka mid ah culimadii ka hadashay goobta ayaa sheegay in ujeedka xafladda ay tahay weyneynta dhalashada Nabigeenna Muxamad, isla markaana ay sanadkasta qabtaan xafladaha lagu weynayo dhalashada Nabigeenna (NNKH).

Sheekh Axmed Macalin Daahir Sheekh oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in faa’iidooyin badan laga helo xuska dhalashada Nabi Muxamed (NNKH), isagoo uga mahadceliyay culimadii soo agaasintay.

Bisha Rabiicul awal oo ah bisha uu dhashay Nabigeena Muxamed (NNKH) ayaa sanadka marka la gaaro laga xusaa dhamaan meelkasta oo ay Muslimiinta ku noolyihiin, taasi oo looga go’leeyahay in markasta la is xasuusiyo taariikhda dhalashada Nabigeena suuban.

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Shil gaari oo dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Dhuusamareeb

Next Post
Shil gaari oo ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay KM13

Shil gaari oo dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Dhuusamareeb

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In