Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaaan lagu weynaynayay dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH) laguna qabtay Mowlaha Sheekh Daa’uud Culosow ee degmada Warta Nabadda ayaa waxaa ka qeyb galay culimaa’udiin ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay culimadii ka qeybgashay ka sheekeeyeen taariikhda dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH), iyagoo bulshada ugu baaqay inay u istaagaan weyneynta bisha mowliid oo ah bishii u dhashay Nabigeena, isla markaana ay isu gurmadaan Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Cabdiwahaab Macalin Axmed oo ka mid ah xerta Mowlaha Sheekh Daa’uud Culosow ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 1983 ay bilaabeen qabashada xafladaha lagu weynaynayo dhalashada Nabigeena.

Sheekh Ismaaciil Cali Cumar oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in in ay nasiib darro tahay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qalday ay ka been sheegaan diinta Islaamka, isagoo uga mahadceliyay culimadii soo agaasintay xuska dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH).

Bisha Rabiicul awal oo ah bisha uu dhashay Nabigeena Muxamed (NNKH) ayaa sanadka marka la gaaro laga xusaa dhamaan meelkasta oo ay Muslimiinta ku noolyihiin, taasi oo looga go’leeyahay in markasta la is xasuusiyo taariikhda dhalashada Nabigeena suuban.

 

 

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo bogaadiyay guulaha kooxda Horseed

Next Post

Shirkada Polucon Somalia oo bandhigtay badeeco dhacday oo laga soo dejiyay dekedda Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Shirkada Polucon Somalia oo bandhigtay badeeco dhacday oo laga soo dejiyay dekedda Muqdisho “SAWIRRO”

Shirkada Polucon Somalia oo bandhigtay badeeco dhacday oo laga soo dejiyay dekedda Muqdisho “SAWIRRO”

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In