Munaasabadaaan lagu weynaynayay dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH) laguna qabtay Mowlaha Sheekh Daaโuud Culosow ee degmada Warta Nabadda ayaa waxaa ka qeyb galay culimaaโudiin ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay culimadii ka qeybgashay ka sheekeeyeen taariikhda dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH), iyagoo bulshada ugu baaqay inay u istaagaan weyneynta bisha mowliid oo ah bishii u dhashay Nabigeena, isla markaana ay isu gurmadaan Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.
Cabdiwahaab Macalin Axmed oo ka mid ah xerta Mowlaha Sheekh Daaโuud Culosow ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 1983 ay bilaabeen qabashada xafladaha lagu weynaynayo dhalashada Nabigeena.
Sheekh Ismaaciil Cali Cumar oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in in ay nasiib darro tahay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qalday ay ka been sheegaan diinta Islaamka, isagoo uga mahadceliyay culimadii soo agaasintay xuska dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH).
Bisha Rabiicul awal oo ah bisha uu dhashay Nabigeena Muxamed (NNKH) ayaa sanadka marka la gaaro laga xusaa dhamaan meelkasta oo ay Muslimiinta ku noolyihiin, taasi oo looga goโleeyahay in markasta la is xasuusiyo taariikhda dhalashada Nabigeena suuban.