Shucuubta dowladaha caalamka ayaa maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee Afafka Dunida.
Maalintaan caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan in la ogaado kala duwanaanshaha xagga luqadaha,dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta afafka oo dhan.
Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey’adda UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan lagu aqoonsanaayo maalintaasi
Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howlgalaan ilaalinta in ka badan lix kun oo luqadood,xoojinta midnimada bulshada,tixgelinta qeybaha luqadaha iyo wanaajinta xiriirka dunida, iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada .
Haddaba, Dadka Soomaaliyeed,waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta 21-ka Febraayo oo ah maalin qaramada midoobay ay u asteysay xuskaasi.
Waa maxay afka ama luqad?
Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga, is-dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.
Marka loo eego taariikhda soo jireenka ah iyo keydadka qoraalada ee dunida, Waxay na barayaan in xilli hore dadka Soomaaliyeed ay xiriir ganacsi iyo mid is-dhexgalba la lahaayeen dalal ka mid ah caalamka,gaar ahaan kuwa carabta oo aan wadaagno dhaqan ahaan iyo diin ahaanba .
Waxaa dhab ah in barashada tacliinta diinta islaamka ee ku qoran afka carabiga ay suurtagaliyeen horumar kale ee loo qaaday xagga qoraalka farta,taasina,waxaad ka garan kartaa kororka ereyo badan oo carbeed oo noqday kuwo ku miilmay Afka Soomaliga
Dhinaca kale,barashada luqadaha qalaad ee ka yimid Galbeedka,gaar ahaan gumeystayaashii reer Yurub waxa ay saacideen in ay soo baxaan bulsho wax taqaan oo kaalin xoogan ka qaatay fududeynta qoraalka farta iyo Helitaankii iftiinkii xornimada Soomaaliya.
In la qqoro Afka Hooyo,waxa uu ahaa dadaalkii ugu horeeyay ee fikrad ahaan ka yimid Dowladdi Rayidka ee Soomaaliya,waxaana 1-di July ee sanadkii 1961-kii la magacaabay guddi aqoonyahanno ah oo ka soo baaraandega qoraalka Farta Soomaaliga.
Isku daygaasi loo qaaday xagga qoraalka Farta, waxa uu noqday mid aan miro dhalin,iyadoo sababaha ugu weyn lagu sheegay is-qab-qabsi u dhexeeyay guddigaasi,kaas oo ku aadanaa nidaamka xuruufaha farta ee la qaadanaayey.
Markii labaad, sanadkii 1971-dii waxaa la magacaabay guddi u howlgala qoraalka Farta Soomaaliga oo ay abaaabulkeeda lahaayeen Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii,waxaana guddigaasi ay soo bandhigeen 18-far oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniya,Kaddariya,Al-xabashiya,Al-carabiya iyo kuwo kale
Oktoobar 21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay Qaamuus ,Buugag iyo Manhajyo ku qoran Afka Somaaliga,iyadoo isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii Laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqallada iyo shibbanayaasha.
21-kii Jannaayo 1973-dii,waxaa dalka Soomaaliya ka soo baxay wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, waxaana la helay Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.
Inkastoo wixii ka dambeeya 1991-kii si weyn loo dareemay dib u dhac xoogan oo ku yimid manhajyada waxbarasho ee ku qornaa Afka ,haddana, Sanadkii 2018-kii waxaa mar kale lagu guuleystay in la mideeyo manhajyadii waxbarasho ee ku baxayey afafka qalaad,isla markaana la sameeyo hal manhaj oo ka tarjumaya Afka Hooyo.
Waxaa xaqiiqo ah in xilligii berisamaadka ee la qoray Afka ka dib lagu tallaabsaday horumar xagga Afka ah oo bulshada Soomaaliyeed ka saaciday in la helo hal nidaam oo loo maro qoraalka Afka ,isla markaana xambaarsan adeegyada maadooyinka cilmiga ah, kuwa dhaqanka, Warbaahinta, xafiisyada iyo Waxbarashada.
Af Soomaaligu waa mid ka mid ah luqadaha ugu qarada weyn ee looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.
Qoraalka Farta waa nidaamka kaliya ee lagu ilaaliyo Afka,waana adeeg aasaasi ah oo ku xiran nidaamka dowladnimo,sidaa daraadeed,waxaa lama huraan ah mas’uuliyiinta Waxbarashada iyo maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta in uu dorkodu noqdo ilaalinta iyo dhowrista adeegga waxbarasho ee dalka.
Haddii la helo manhaj ku qoran Afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon waxbarashoo oo tayeysan.
Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka Afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo in uusan dabar go’in Afka Hooyo.
Gabagabadii anagoo ka faa’ideysaneyna xuska sanadgiirada 41-aad ee afka hooyo, ,waxaan hambalyo u direynaa shucuubta dunida,gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed,waxaanna u rajeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.