Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qoyska oo Muqdisho ku qabatay Munaasabadda 6da February ee maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka gabdhaha, munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay wakiillada hay’addaha UNICEF, UNFPA iyo marti kale oo kakala socotay hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya joojinta gudniinka Gabdhah, Guddiga Baarlamaanka ee Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka, iyo madaxda Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar oo munaasabadda khudbad soo dhaweyn ah ka jeediyey ayaa sharaxay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Wasaaradda Qoyska u qaaday joojinta gudniinka gabdhaha, tallaabooyinkaas oo ay ugu dambeysay meel marinta Hindise Sharciyeedka joojinta Naafeynta xubinta Taranka dhedigga.

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Wakiillada hay’adaha oo Munaasabadda ka hadlay qaarkood waxa ay si isku mid ah u bogaadiyeen hawlaha ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya u qaaday Joojinta tacayadiyada lagula kaco dumarka oo gudniinka ay ugu horeyso waxaana ay ballan qaadeen iney sii wadi doonaan wada shaqeynta Wasaaradda.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Cismaan Naastaro oo soo xiray Munaasabaddan ayaa ku dheeraaday ballan qaadyada Wasaaradda iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay iney ka dhabeyso joojinta Gudniinka Gabdhaha isaga dhinaca Kalena bayaaniya tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Wasaaraddu u qaaday sidii loo joojin lahaa gudniinka Gabdhaha.

Previous Post

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

Next Post

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

Next Post
Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In