Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Afrika, Wararka
0
Xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, Iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhinaanno ka tirsan labada Aqal, Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Difaaca, Ururada Bulshadda Rayidka iyo mas’uuliyiin mataleysay hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalla dalka.

Axmed Diini oo ku hadlayay magaca Ururada Bulshadda Rayidka oo xafladda ka hadlay ayaa xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysatay dhaqan-galinta shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo arintaas ku bogaadiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda.

Related posts

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in taliska xoogga ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta, isagoo intaa ku daray in argagixada Al-Shabaab aan loogu dulqaadan doonin in carruurta ay si qasab ah ku askareeyaan, kana codsaday shacabka inay ku gacansiiyaan sidii loo soo  badbaadin lahaa carruurta sida khaldan ay u adeegsadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed oo ugu dambeyn xafladda ka hadlay ayaa shaaciyay in dowladdu ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta Soomaaliyeed…

Munaasabadan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen inay soo furtaan carruur ay argagixada si qasab ah ku askareyneysay, kuwaasi oo la geeyay saldhiga booliska ee magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana sanad walba manta oo kale 12 February oo loo asteeyay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta laga xusaa dalal badan oo caalamka ka tirsan.

 

 

Previous Post

Dowladda Mareykanka oo dib u billowday taageerada Ciidanka Xoogga

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO

Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026   1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026

January 2, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026   1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u...

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
0

Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In