Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Miinada oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu weyneynayay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta miinooyinka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Hay’adda SEMA, Wakiilo ka kala socday Hay’ado Caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha miino baarka iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee SEMA Daahir Cabdiraxmaan oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan qorsheyaal lagu ciribtirayo miinada iyo waxyaabaha qarxa.

Related posts

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026

“Anigoo ku hadlaya magaca Hay’adda Maareynta Miinooyinka ee SEMA waxaa farxad inoo ah inaad nalaga qeybgashaan xuska munaasabadan Caalamiga ah, hal ku dhigeennu waa Dhul Nabdoon, guri Nabdoon iyo socod Nabdoon”. Ayuu yiri Agaasime Daahir.

Yuuwuf Cali Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shanta sano ee soo socota la xoojin doono ka sifeynta dalka miinooyinka.

Mas’uuliyiin ka kala socday dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha Caalamiga ah oo madasha ka hadlay ayaa qiray in miinooyinka qatar badan ay ku hayaan bulshada, loona baahanyahay in si wada jir ah looga sifeeyo dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in miinooyinka ay dhibaato badan ku hayaan bulshada, isla markaana saameyn ku yeelatay dadka reer guuraaga ah iyo Xoolo dhaqatada intuha.

Wasiirka ayaa xusay inay jiraan qorsheyaal lagu caawinayo dadka ku naafoobay miinooyinka, loona baahanyahay inay la soo xiriiraan hay’adda SEMA, si loo caawiyo.

“Sanadkiii 2006-da ayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay u aqoonsatay maanta oo kale 4ta April Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta miinooyinka iyo wax ka qabashada miinada, waxaana naga go’aan inaan dalka ka nadiifino haraadiga hubka iyo miinooyinka”. Ayuu yiri Wasiir Farxaan.

Wasiir farxaan ayaa hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay hal ku dhigga sanadkan oo ah “Dhul Nabdoon, Socod Nabdoon iyo Guri Nabdoon”.

Previous Post

Akhriso Guud ahaan Liiska Xildhibaannada qaatay Shahaadada

Next Post

Dr Cali X. Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP039

Next Post

Dr Cali X. Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP039

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In