Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta carruurta Afrika oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta carruurta Afrika oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid lagu xusayey maalinta carruurta Africa, isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenha iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ka galay mudanyaal ka tirsan labada gole ee dowlada, aqoonyahano, haween dhallinyaro, arday iyo marti sharaf kale.

Waxaana madashi ay ka socotay munaasabadaasi riwaayado iyo heeso dhamaan qiiro galiyey dadki isugu yimid xaflada ku so bandhigay ardeyda dugsiga Qamar kuwaa o muujiyey sida ay carruurtu ugu baahan yihiin daryeel guud, ayna muhiimtahay in laga warqabo xaaladaha ay ku suganyihiin carruurta Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Cilmi Cismaan  oo ka mid yahay carruurta araga la’a ee ka soo qeyb galay xafladaasi waxa u ka codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta dowlada in ay ku dadaalaan waxbarshada iyo daryeelka carruurta, maadaama ay foodda nagu soo hayso bisha Barakaeysan ee Ramadaan.

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii ay ugu gurman lahaayeen carruurta Soomaaliyeed, isla markaana baarlamaanka uu dhankiisa diyaar u yahay taakuleynta carruurta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Daallo oo goobta hadla ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay muhiimadda maanta oo kale ay u leedahay carruurta Afrika, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed

Ku-simaha Wasiirka Haweenka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquul insaanka Muumino Sheekh Xasan oo soo xirtay Munaasabadda ayaa tilmaaamay in carruurta Soomaaliyeed ay xilligan haysato dhibaatooyin xagga nolosha ah, loona baahanyahay in loo istaago sidii wax loogu qaban lahaa, ayna waalidinta ka codsaday in carruurta aan si qasab ah loogu guurgeyn.

Munaasabadda xuska maalinta carruurta Afrika ayaa ka dambeysay markii 16-kii June ee sanadkii 1976-kii arday u dhalatay dalka Koonfur Afrila lagu xasuuqay magaalada Suweeto ee dalkasi,  taasi oo loogu magac daray maanta oo kale inay noqoto maalinta carruurta afrika.

IMG_1658 IMG_1660 IMG_1667 IMG_1674 IMG_1675 IMG_1678 IMG_1687 IMG_1688 IMG_1690 IMG_1698 IMG_1699 IMG_1706 IMG_1709 IMG_1714 IMG_1719 IMG_1721

IMG_1723

W/D: Maxamed Macalim Xasan “White-ka”

Previous Post

Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

Next Post

Doorka Waalidka, Culimada iyo Oday dhaqameedyada Dhageyso

Next Post
Doorka Waalidka, Culimada iyo Oday dhaqameedyada Dhageyso

Doorka Waalidka, Culimada iyo Oday dhaqameedyada Dhageyso

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In