Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta carruurta Afrika oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta carruurta Afrika oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid lagu xusayey maalinta carruurta Africa, isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenha iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ka galay mudanyaal ka tirsan labada gole ee dowlada, aqoonyahano, haween dhallinyaro, arday iyo marti sharaf kale.

Waxaana madashi ay ka socotay munaasabadaasi riwaayado iyo heeso dhamaan qiiro galiyey dadki isugu yimid xaflada ku so bandhigay ardeyda dugsiga Qamar kuwaa o muujiyey sida ay carruurtu ugu baahan yihiin daryeel guud, ayna muhiimtahay in laga warqabo xaaladaha ay ku suganyihiin carruurta Soomaaliyeed.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Cilmi Cismaan  oo ka mid yahay carruurta araga la’a ee ka soo qeyb galay xafladaasi waxa u ka codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta dowlada in ay ku dadaalaan waxbarshada iyo daryeelka carruurta, maadaama ay foodda nagu soo hayso bisha Barakaeysan ee Ramadaan.

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii ay ugu gurman lahaayeen carruurta Soomaaliyeed, isla markaana baarlamaanka uu dhankiisa diyaar u yahay taakuleynta carruurta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Daallo oo goobta hadla ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay muhiimadda maanta oo kale ay u leedahay carruurta Afrika, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed

Ku-simaha Wasiirka Haweenka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquul insaanka Muumino Sheekh Xasan oo soo xirtay Munaasabadda ayaa tilmaaamay in carruurta Soomaaliyeed ay xilligan haysato dhibaatooyin xagga nolosha ah, loona baahanyahay in loo istaago sidii wax loogu qaban lahaa, ayna waalidinta ka codsaday in carruurta aan si qasab ah loogu guurgeyn.

Munaasabadda xuska maalinta carruurta Afrika ayaa ka dambeysay markii 16-kii June ee sanadkii 1976-kii arday u dhalatay dalka Koonfur Afrila lagu xasuuqay magaalada Suweeto ee dalkasi,  taasi oo loogu magac daray maanta oo kale inay noqoto maalinta carruurta afrika.

IMG_1658 IMG_1660 IMG_1667 IMG_1674 IMG_1675 IMG_1678 IMG_1687 IMG_1688 IMG_1690 IMG_1698 IMG_1699 IMG_1706 IMG_1709 IMG_1714 IMG_1719 IMG_1721

IMG_1723

W/D: Maxamed Macalim Xasan “White-ka”

Previous Post

Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

Next Post

Doorka Waalidka, Culimada iyo Oday dhaqameedyada Dhageyso

Next Post
Doorka Waalidka, Culimada iyo Oday dhaqameedyada Dhageyso

Doorka Waalidka, Culimada iyo Oday dhaqameedyada Dhageyso

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In