Saturday, May 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SAWIRRO: Xuska Maalinta15-ka May oo lagu Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 16, 2015
in Wararka
0
SAWIRRO: Xuska Maalinta15-ka May oo lagu Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munasabadaan oo lagu maamuusayey maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15ka may, isla markaana lagu xasuusanayeys 72 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ururkii dhalinyaradda gobonimo-doonka Soomaliyeed ee S.Y.L ayaa xalay lagu qabtay Magaladda Mudisho.

Xaflada oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Soomaliya ayaa waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaliya, xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka iyo marti sharaf kale.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

May 29, 2025
Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

May 29, 2025

Munasabadda oo halkig dhigeendu ahaa “Dhalinyaradu waa lafdhabarka Dalka “ ayaa intii ay socotay waxaa ay faananiinta Soomaliyeed ku soo bandhigen sugaan ka hadlaysa ahmiyadda ay 15 ka May, ururkii S.Y.L iyo flim Documentary ah oo ka hadlayey tariikhdiisa.

Cabdiraxmaan Jaylani oo ah wiil dhalinyaro ah isla markaana Naafo ka ah aragga ayaa sheegay in dhalinyaradu ay diyaar u yihiin in ay samaystaan tariiq cusub oo ay dadka Somaliyeed ku xasuustaan.

“Dhalinyaradii S.Y.L ee xorriyadda soo dabbaalay, runtii xiliyadii ay howsha wadeen waxay ahayd  xiliyo aad u adeg,waxay ila tahay manta dhallinyaradu in ay haystaan waqti muhiim ah oo ay wax ku qaban karaan ,Dhalinyarada  Soomaliyeed waxaan aminsan ahay hadii laga talo  galaiyo  hormarinta dalka  in wax badan ay ka gaysan karaan oo ay ku samayn karaan  Tariiq  cusub  .”Ayuu Yari Cabdiraxmaan.

Guddomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuullo Sh Axmed Gabale ayaa xustay in haweenka Soomaliyeed ay dowr wayn ku lahayeen halgankii lagu doonayey xorriyadda isla markaana ay naftooda ku waayeen haween badan .

“Waxaan ka xusi karaa dumarkii kalinta wayn ka qaatay  halkangii Xorriyadda  ee S.Y.L Xaliimo Godane, Timiro Cukaash , Xaawo Soomali, Xaawo Siiso iyo Dumar aad ufara badan. Waxaana iyaduna  ka mid ahayd Geesiyaddii ku geeriyootay halgankaasi ee Xaawo Cismaan “Xaawo Taako”, oo taalladeedu ay ku taallo  meesha ku addan  xarunta  hooyooyinka “ayey tiri Marwo Batuulo.

RIIX SAWIRKA HOOSE SI AAD U DAAWATO SAWIRRADII XAFLADDA

17095548093_9971931609_o

Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaladda Duqdisho aya sheegay in dhalinyaradda Soomaliyeed looga bahan yahay in kaalintooda ka qaatan hormarka dalka ka socda.

“Maanta waxaa la marayaa mudo bur-burkii laga baxayo oo dalkii dib loo dhisayo dowladda rasmi ah ay dhalatay, een dhalinyaradda manta runtii waxaa  loo bahan yahay inay yacni guntiga dhiisha  iska dhigaan  sidii dalkeenu mar kale cagahiisa isugu taagi lahaa, Dowlad-nimadenana aan u adkaysan laheyn dalkeena  an u dhilsan lahayn hadii Allah idmo” ayuu yiri Mungaab.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliya Maxamed Cabdulahi Xasan (nuux) ayaa tilmaamay in qorsha ugu horeeya ee wasaradiisa uu yahay samaynta siyaasadda dhalinyaradda Soomaliyeed.

“Qorshaheena ugu horeeya ee wasaarada waxa uu yahay in la dhiso siyaasadda dhalinyaradda, siyaasadda dhalinyaradu  waxay hal beeg u tahay xaquuqda  dhallintu yeelanayso, waxay  hal beeg u tahay kala  hagidda  iyo isku ogolaanshaha wada noolshaha dhalinyaradda, oo ay ugu horreyso  in lagu kala hagaago doorashadda  iyo xeerar  an ku wada  kalsoon nahay , kuwaasi oo tilmaamaya  Dimuqoraadiyadda iyo Hormar”Ayuu wasiirka dhalinyradda Soomaliya .

Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra’iilsal wasre ku-xigeenkaXukumadda Soomaliya ayaa sheegay in xukumadda Soomaliya ka go’an tahay dajinta siyaasadda xasiloon oo dalka lagu maamulo isla markaana dhalinteena u horseedi doonta hormar.

“annugu dowlad ahaan  xukumadda waxaa ka go’an in la sameeyo siyaasad deggan, siyaayaasadda dagananshaha leh oo dalka lagu maamulo, taa weeye tan ugu muhiimsan,” ayuu yir mudane Carte .

Goddoomiyaha barlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo munasabadda ka jeediyey hadal kooban ayaa sheegay in 15 may tahay tahay malin ku wayn Ummadda Soomaliyeed.

“Dhammaan muwaadinijnta meesha  yimid waxan  idiin soo gudbinayaa  salaan  diiran oo aan idinkaga wado golaha shacabka Soomaliyeed,  15 May waa malin wayn  ismarkaana  mudan xasuus”. Ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbayntii ka hadalay Munadaasi lagu xusyey malinta dhalinyaradda Soomaliyeed ee 15-ka May ayaa sheegay in ay tahay lagama maarmaan in la helo dhalinyaro xirfad leh, taasi oo uu dal kasta ku hormaro.

“Soomaliya waxay u bahan tahay in dhalinyaradaan loo sameeyo xirfado shaqo, nalka in sifican loo xiro karo, baabuurka soo fiican loo sameyn karo, waddada noo dhisi kara, waxan u baahan nahay  marka inaan  helno xarumo lagu tababaro  dhallinyarada  oo xirfadleyaal laga soo saaro, kulligeen  jamacadahaan wada aadayno  ma wada helayno, haddii aan wada helnona shaqo kuma wada heleyno, marka xirfadleyaal ayaan u baahan nahay xoogga ugu wayn ee dal hormariyaa  waa kuwaas” Ayuu madaxwaynaha dalku.

Gabagabadii munsabadda Wasiirka dhallinyarada ayaa haddiyado iyo billad guddoonsiiyey madaxwaynaha, gudoomiyaha baarlamanka, Ra’iisal wasaare ku iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Riix Linkiga hoose si aad u daawatid sawirrada

https://www.flickr.com/gp/ladane/03k87W

Previous Post

Madaxweynaha: “Marka wiilka aad adeerka u tahay ee (la tuhmay) aad daba kacdo(u dooddo), Al-Shabaab ayaad gacan siisay

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

May 29, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

May 29, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada...

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

May 29, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kulan...

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah

May 29, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axme Diiriye (Yabooh), ayaa dhagax dhigay waddo interlock ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In