Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Haweenka Adduunka oo laga shiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Haweenka Adduunka oo laga shiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ayaa maanta kulan looga hadlayey wada shaqeyn dhexmarta iyo in wada Jir loo xuso maalinta Haweenka adduunka la qaadatay Xildhibaannada Haweenka ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ku jira.

Kulanka waxa uu ujeedkiisu ahaa wada shaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Xildhibaanada Haweenka ah, isla markaana si wada jir ah loogu diyaar garoobo Xuska Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Xildhibaan Maryan Macalin Isaaq oo ku hadashay Afka Xildhibaanada Haweenka ah ayaa sheeegtay in waxyaabaha ay Wasiirka ka wada hadleeen ay yihiin kuwa la isku afgartay, ayna diyaar u yihiin in wada shaqeyn buuxda la yeeshaan Wasaaradda Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Sahro Cali Samatar ayaa soo dhaweysay go’aannadii ka soo baxay shirka ay la qaadatay Xildhibaanada haweenka ah ee baarlamaanka ka tirsan, waxaana ay bulshada qeybaheeda kala duwan ka codsatay in ay u istaagaan sidii wada jir loogu xusi lahaa maalinta haweenka Adduunka oo ku beegan Axadda dambe oo ay taariikhdu noqoneyso 8-da bisha Maarso.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay waday dadaallo ay ku doonayso in Haweenka qaybahooda kala duwan ugala hadasho sidii wada jir loogu weyneyn lahaa xuska Maalinta Haweenka, iyadoo dhawaan kulan la qaadatay Ururada Haweenka Qaranka iyo kan Gobolka Banaadir oo ay kala hadashay arrintaan

Previous Post

Wasiirka kalluumeysiga oo la kulmay howlwadeenada Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post

Xawaaladaha Soomaalida ee xanibaadda laga qaaday oo la soo dhaweeyay

Next Post
Xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka oo dib u shaqeynaya

Xawaaladaha Soomaalida ee xanibaadda laga qaaday oo la soo dhaweeyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In