Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qeyb galay Xaflad balaaran oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Haweenka Aduunka.

Xafladaan oo ka dhacday Hoolka Jaamacada PSU ee Garoowe ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro, Madax ka socotay hay’addaha ka howlgala deegaanada maamulka Puntland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku tilmaamay inay tahay maalin qiimo weyn, islamarkaana la xusayo doorka muhiimka ah ee Hooyada Soomaaliyeed ku leedahay qoyska dhexdiisa.

“Marka koowaad haweenku waa xoog muhiim u ah wax soo saarka iyo horumarinta Dalka waxay sidookale hooyadu door muhiim ah ka qaadataa kobcinta, Barbaarinta, Xanaanaynta iyo weliba xoogaga kale ee bulshada” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

“Waxaan rabnaa inaynu samayno si aynu xoogaa uga faa’iidaysano una hormarino wanaaga tirada badan ee hooyadu samaynayso, waxaa ugu horeeya ee aynu samaynayno waa inayu xooga saarno waxbarashada Gabdhaha ” waxaa sidaasi yiri Madaxweyne Gaas.

“Waxaan ka xukuumad ahaan hada samaynay hab cusub oo shaqooyinka loogu tartamayo waadna aragteen in shaqooyinka wasaaradaha hada tartan loogalayo, markii aanu fursad u siinay dumarka inay tartamaan waxaa dhacday in Gabdhuhu ay noqdeen kuwa ku soo baxa tartankaas “Ayuu sheegay Madaxweyne Gaas.

Madaxaweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka lama ilaawaanka ah ee ay ku dhex leeyihiin bulshada iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaataan Nabada iyo Horumarinta Dalka.

IMG_9344

IMG_9368

IMG_9372

IMG_9377

IMG_9380

IMG_9384

IMG_9391

IMG_9402

IMG_9405

IMG_9410

IMG_9412

IMG_9413

IMG_9421

IMG_9424

IMG_9427

IMG_9431

IMG_9433

IMG_9437

IMG_9442

IMG_9455

IMG_9459

IMG_9462

IMG_9463

IMG_9465

IMG_9474

IMG_9476

IMG_9481

Previous Post

Madaxweynaha oo hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed”SAWIRRO”

Next Post

RW. Cumar ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka Soomaaliyeen

Next Post
RW. Cumar ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka Soomaaliyeen

RW. Cumar ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka Soomaaliyeen

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In