Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Istaatistikada Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Istaatistikada Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu hambalyeeyay Madaxda iyo Shaqaalaha  Wasaaradaha Qorsheynta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed Maalinta Istaatistikada Qaranka oo ku maanta beeggan.

Maalin Taarikhi u leh Bahda Xoggaha iyo Tirakoobka Qaranka oo 18 kii Juun 1970 markii ugu horeysey  oo  la Ansixsiyay Xeerka  Istaatiskada Soomaaliyeed  ayaa dib loo howl-galiyay xarunteeda.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

50 sano kaddib ayaa maanta loo dabagaal daggayaa  maalinta weyn Qaran jabkii  kaddib, Munaasabd lagu xusyay  oo ay ka qeybgaleen  Madaxda Sare ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mas’uulyiin ka tirsan Hay’adda Dowladda, kuwaasi oo uga qeybgalay Muuqal Araga Internet-ka iyo Xarunta dhaxe Wasaaradda haatan ay ku howlgasho.

10-kii sano ugu dambeeyay ayaa lagu guuleystay, dib u unkidda Agaasinka Istaatiskada Qaranka oo hoos timaado, Wasaaradda, Diyaarinta Xeerka Hay’adda oo ah mid rasmi ah oo dhameystiran wax walbo oo tiirar ah, sidoo  kale waxa ay ku guuleysteen sahamo iyo xog arruurin muhiim u ah dalkeena.

Agaasimaha Guud ee Istaatiskada Qaranka iyo xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka  oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka tilmaamay in ahmiyad weyn ugu fadhido maanta oo kale shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in maanta hay’adda Istaatiska Qaranka ay meel wanagasan soo gaartay, loona baahan yahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dadaallka dhaxagalka u ah Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu hambalyo diirran u diray Shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaradaha Qosheynta Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed  maalinta Qiimaha badan ee loo asteeyay Maalinta tirikoobka Qaranka.

Xeerka Istaatiska oo muhiimad u lahaa dalka ayaa horseedi doona in la helo hay’ad madax banaan oo hoos tagto Wasaaradda Qorsheynta oo soo saarto, Xoggaha Dhaqaalaha, Isbadalka sicirka suuqyada Wadanka iyo Tirikoobka Dadka.

Previous Post

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Baashe

Next Post

Wafdi ay hogaaminayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo gaaray Hobyo “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ay hogaaminayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo gaaray Hobyo “SAWIRRO”

Wafdi ay hogaaminayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo gaaray Hobyo “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In