Dowladaha caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xusk 4-ta Febraayo oo ah maalinta caalamiga ah ee Kansarka Adduunka, si kor loogu qaado wacyiga la xirira halista cudurkaasi iyo sida ugu haboon ee looga qeybqaadan karo ka hortagga iyo daawaynta kansarka.
Xuska maalintaan waxaa hogaaminaya Ururka Caalamiga ah ee Xakamaynta Kansarka (UICC) si loo taageero baaqa qaramada midoobay ee ku aadan xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka kansarka,kaas oo la soo saaray sanadkii 2008-dii
Hadafka aasaasiga ah ee Maalinta Kansarka Adduunka waa in si weyn loo dhimo qatarta cudurkaasi oo keena dhimasho iyo in taageero loo muujiyo kuwa uu saameeyay kansarku.
Haddaba,dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka maanta dhigaya ama u dabbaaldegaya xuska maalinta 4-ta Febraayo ee maalinta caalamiga ah ee cudurka kansarka.
Maamulka Wasaaradda caafimaadka XFS iyo ururada dhaqaatiirta dalka,ayaa maaanta ka qeybgalay munaasabadda maalinta kansarka,iyagoo ka warbixiyay halista cudurkaasi,sida looga hortagi karo iyo dadaalka ku aadan in si wadajirka ah loo wajaho cudurkaasi .