Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ururka macalimiinta SONUT oo xuska maalinta macalinka Soomaaliyiyeed ku qabtay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeybagay Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka ah, xogahayaha joogtada ah iyo Agaasimayaasha Wasaaradda, aqoonyahano iyo Kooxda Iftin ee Wasaarda waxbarashada oo goobta ku soo banhdigay suugana ka tarjumeysay qiimaha macalinka uu u leeyahay bulshada.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Soomaaliya mudane Maxamed Cabduqaadir Nuur oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in macalinka uu door muhiim ah ku leeyahay bulshada loona baahan yahay in la dhiirigaliyo macalimiinta Soomaaaliyeed.

“Hadaan macalin jirin aqoon lama furi karo lamana baran karo hadii layiri waxbarashada furaha nolosha macalinkana waa furaha aqoonta haduusan asiga kor u qaadin iftiinka cidna koru ma qaadi karto marka waa inaa macalinka dhiirigalinaa oo tagaeernaa kaliya munsaabadda maahan inaa ku xusno mana soo koobi karno abaalka macalinka Somaaliyeed” ayuu yiri Maxamed Cabduqaadir Nuur.

Axmed xasan Yuusuf oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah ayaa xusay in wasaaraddu si ay dhiirigaliso macalimiinta ay mishaar u qortay ilaa 1,300 oo macalimiin ah oo kamid ah barayaasha magaalada Mqudisho.

“Iyadoo aad ogtihiin duruufaha dhanka dhaqaalaha ah ee jira ayaa wasaarddu waxabarashadu waxay bishii june ee sanadkan mishaar u qortay ilaa kun iyo saddex boqol oo macalimiin ah oo ladoonayo in mishear lasiiyo hadana lacagihii ay xaqa u lahaayeen baa lasiinayaa” ayii yiri Axmed xasan Yuusuf

Wasiiru Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka ah mudane Cabdulaahi Bile Nuur oo gaba gabadii munaasabdda ka hadlay ayaa sheegay in wasaardada ay qorsheyneyso in tabbaaro loo sameeyo macalimiinta si kor loogu qaado tayada macalimiinta iyo in la sameeyo manhaj Somaali ah oo laga dhigayo dugsiyada waxbarashada.

“Anaga hadaan nahay wasaaradda waxbaarshada waxaa no qorsheysan labo arrin oo ah in la sameeyo manhaj mideysan oo Soomaali ah iyo in la tayeeyo macalimiinta waxaana noo qorsheysan in tababaro la siiyio macalimiinta” ayuu yiri Cabdulaahi Bile Nuur.

 

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed

Next Post

Wafdi Ka socda Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo K/Galbeed oo booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi Ka socda Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo K/Galbeed oo booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab “SAWIRRO”

Wafdi Ka socda Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo K/Galbeed oo booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In