Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Naafada Adduunka oo ku beegan 3-da Dicember oo ku lagu qabtay Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
5 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Naafada Adduunka oo ku beegan 3-da Dicember oo ku lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xuska Maalinta Naafada Adduunka oo Ku beegan  3-da Dicember oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Naafada Qaranka oo Maanta Muqdisho lagu qabtay.

Munaasabaddan oo lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Naafadda adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee naafada,  mas’uulyiin ka socotay hay’addaha kala duwan Madaxda Hay’adda Naafada Qaranka, Wasiirka iyo howl-wadeennada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Xafiiska Naafadda Gobalka Banaadir, Wasiirka Wasaaradaha Cadaaladda, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Cabdul Jaamac oo ugu horreyn hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay sida ay dadaal loogu bixinayo horumarinta baahiyaha gaarka ah ee Naafada iyo waxyaabaha la higsanayo.
.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta Cumar Cali Rooble iyo Wasiirka Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa bogaadiyay howlaha socda,iyagoona sheegay in loo baahan yahay garab istaagga dadka baahiyaha gaarka qaba.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ugu dambeyn soo xirtay munaasabadda Xuska Maalinta Naafada ayaa ka sheekeysay waxtarka dadka naafada waxaayna  ballanqaaday in ay ka shaqeyn doonto in ay helaan waxbarasho, Caafimaad iyo shaqooyin ku haboon.

Xuska maalinta naafada 3-da dicember ayaa laga xusaa dalalka adduunka waxaana lagu soo bandhigaa waxqabadka iyo waxtarka ay mudan yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Previous Post

Munaasabad lagu weynaynaayo Maalinta Caalamiga ah ee Naafada adduunka oo lagu qabtay jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In