Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta Qaxootiga Caalamka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
QM oo sheegtay in ay korortay tirada qaxootiga adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xuska maalinta Qaxootiga adduunka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda  iyo dhiira gelinta maalgashiga Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya , madax ka socotay xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ururo u dhaq dhaqaaqa qaxootiga iyo barakacyaasha iyo sidoo kale wakiilo ka socday dadka reer Yemen ee qaxootga ku ah Soomaaliya.

Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo madaxdii ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay muhiimada maanta oo kale ay uu leedahay qaxootiga adduunka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026

Wakiiladii ka socday qaxootiga yemaniyiinta ah ee jooga Soomaaliya ayaa ka hadlay caawimaadii ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda markii ay Soomaaliya yimaadeen iyo xaaladda ay hada ku suganyihiin.

Axmed Cabdikariin Nuur (Axmed-Daahir) oo ah  Guddoomiyaha Hey’adda Dib-u-soo celinta & dib-u-dejinta Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa sheegay in xuska maanta oo kale ay muhiimad gaar ah ugu fadhiso shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo dhiira gelinta Maalgashiga Soomaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa xusay in dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin in qaxootiga Soomaaliyeed ee caalamka ku nool in si qasab ah loogu soo celiyo dalka, isagoo intaa ku daray in tobaadkan ay la kulmayaan madax ka tirsan dowladda Kenya.

Sanad walba marka la gaaro 20-ka bisha June waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta qaxootiga caalamka oo lagu soo bandhigo xaaladaha dadka qaxootiga ah iyo baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan.

Previous Post

Saraakiil QM ka tirsan oo maanta gaaray Cadaado

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In