Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Tirakoobka Afrika Oo Muqdisho Lagu Qabtay 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Tirakoobka Afrika Oo Muqdisho Lagu Qabtay 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh faarax (Beenebeene), ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb-galay Xuska Munaasabada Maalinta Istaatistikada Afrika oo lagu qabtay Hotel Decale.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Istaatistikada Qaranka, waxaa sanadkaan hal-kudhig looga dhigay “Xoojinta nidaamyada xogta, iyadoo la casriyeynaayo wax soo saarka iyo adeegsiga Istaatistikada Beeraha”.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiir Maxamuud oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in ay maanta oo kale macno weyn u leedahay Ummadda Soomaliyeed, loona baahanyahay in la ogaado ahmiyadda istaatistikada xogta oo door weyn ka qaadan karta in la daboolo baahiyaha dalka ka jira.

Wasiirku wuxuu bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen Hay’adda Istaatiskada Qaranka, sidoo kalana xusay in muddooyinkii dambe wax badan laga qabtay isticmaalka xogaha ee go’aan qaadashada, lana helay caddaymo ku salleysan, oo door weyn ka qaadan kara in la gaaro istaraatiijiyadaha horumarinta qaranka, SDGs iyo horumarinta Ganacsiga, Beeraha iyo maalgashiga dalka.

Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa geba-gabadii sidoo kale carrabka ku dhuftay in Beeruhu ay yihiin wax soo saarka kaliya ee Soomaaliya, sidoo kalana ay ahmiyad weyn leedahay xogaha, si loo helo xog dhammaystiran oo laga go’aan qaadan karo Iyo in la gaaro Isku filnaasho cunto.

Tags: Xuska Maalinta Tirakoobka Afrika Oo Muqdisho Lagu Qabtay 
Previous Post

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Shir Dib-U-Hishiisiineed Ugu Baaqay Bulshada KGS

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Baxdo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Baxdo “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Baxdo "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In