Friday, November 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Tirakoobka Afrika Oo Muqdisho Lagu Qabtay 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Tirakoobka Afrika Oo Muqdisho Lagu Qabtay 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh faarax (Beenebeene), ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb-galay Xuska Munaasabada Maalinta Istaatistikada Afrika oo lagu qabtay Hotel Decale.





Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Istaatistikada Qaranka, waxaa sanadkaan hal-kudhig looga dhigay “Xoojinta nidaamyada xogta, iyadoo la casriyeynaayo wax soo saarka iyo adeegsiga Istaatistikada Beeraha”.

Related posts

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

November 13, 2025
Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025

Wasiir Maxamuud oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in ay maanta oo kale macno weyn u leedahay Ummadda Soomaliyeed, loona baahanyahay in la ogaado ahmiyadda istaatistikada xogta oo door weyn ka qaadan karta in la daboolo baahiyaha dalka ka jira.

Wasiirku wuxuu bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen Hay’adda Istaatiskada Qaranka, sidoo kalana xusay in muddooyinkii dambe wax badan laga qabtay isticmaalka xogaha ee go’aan qaadashada, lana helay caddaymo ku salleysan, oo door weyn ka qaadan kara in la gaaro istaraatiijiyadaha horumarinta qaranka, SDGs iyo horumarinta Ganacsiga, Beeraha iyo maalgashiga dalka.

Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa geba-gabadii sidoo kale carrabka ku dhuftay in Beeruhu ay yihiin wax soo saarka kaliya ee Soomaaliya, sidoo kalana ay ahmiyad weyn leedahay xogaha, si loo helo xog dhammaystiran oo laga go’aan qaadan karo Iyo in la gaaro Isku filnaasho cunto.

 

 

Tags: Xuska Maalinta Tirakoobka Afrika Oo Muqdisho Lagu Qabtay 
Previous Post

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Shir Dib-U-Hishiisiineed Ugu Baaqay Bulshada KGS

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Baxdo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Baxdo “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Baxdo "SAWIRRO"

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

November 13, 2025
0

Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar loogu soo gabagabeeyay Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya (CHF), kaas oo...

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Magaalada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In