Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Munaasabada Maalinta Diiwaangalinta Madaniga iyo Istaatistikada Muhiimka Ah Ee Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10ka Agoosto 2022, ku xustay Xarunta Wasaaradda Munaasabadda Maalinta Shanaad ee Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah ee Afrika 12 sano kaddib markii la aasaasay Barnaamijka Afrika ee dardargelinta iyo horumarinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah, kaasoo ah hannaan laga hirgeliyay Qaaradda Afrika looguna talagalay in lagu siiyo Waddamada Afrika taageero isku dhafan laguna adkeeyo isuduwidda si loo xoojiyo nidaamka Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Golaha Fulinta ee Midowga Afrika kalfadhigiisii caadiga ahaa ee 32aad, oo ka dhacay Addis Ababa 25kii iyo 26kii Janaayo 2018kii, ayaa ku dhawaaqay in ay 10ka Agoosto tahay Maalinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah si kor loogu qaado u qareemidda muhiimadda nidaamkan uu u leeyahay koritaanka Qaaradda Afrika. Waa munaasabad lagu weyneeyo taageerada iyo ballan-qaadyada heer qaran iyo heer goboleed ee lagu xoojinayo nidaamyadan iyo in la kordhiyo isuduwidda daneeyayaasha si looga faa’iideysto adeegyada khuseeya arrimahan. Haddaba, maanta ayaa ah maalinta Dalalka Afrika ay dib u xaqiijinayaan ka go’naanshaha qaadashada door hoggaamineed iyo lahaansho si loo xoojiyo Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Halku-dhigga Xuska sanadkan 2022ka ayaa ah “Adkaynta Isuduwidda, Hoggaaminta Qaran iyo Lahaanshaha si loo xoojiyo nidaamyada isku-dhafan ee Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah: Habka Lagu Xaqiijinayo #TirintaQofwalaba”. Halku-dhiggani wuxuu muujinayaa baahida loo qabo go’aan-qaadasho siyaasadeed oo joogtaa taasoo ah heer Qaran ah, iyo in Dawladda Soomaaliya ay qaadato doorkeeda hoggaamineed iyo lahaansho ee kaga aaddan xoojinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Howlwadeennada sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo maanta, 10ka Agoosto 2022, kaga qeyb galay xarunta Wasaaradda kulan lagu xusayo Maalinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah ee Afrika, ayaa ku booriyay Madaxda Qaranka, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiillada Beesha Caalamka:-

 

  1. In la sameeyo ama la joogteeyo howlaha guddiyada isuduwidda daneeyayaasha ku shaqada leh Diiwaangelinta Madanigaa, Istaatistikada Muhiimka ah iyo nidaamka Aqoonsiga si loo xoojiyo korna loogu qaado nidaamyadan iyo u adeegsiga xogtooda guud ahaan bixinta adeegyada dawladda.
  2. In la abuuro xiriir ka dhexeeya diiwaangelinta madanigaa, Istaatistikada Muhiimka ah iyo nidaamyada kale, sida maareynta aqoonsiga, nidaamyada caafimaadka iyo ilaalinta bulshada.
  3. Horumarinta hababka fartaabadka (Digitization) xogaha Diiwaangelinta Madanigaa oo qayb ka ah kaabayaasha muhiimka ah ee xogta dadweynaha si kor loogu qaado isku xirka iyo adeegsiga xogahaasi.
  4. Xoojinta qaab-dhismeedka sharci iyo nidaam ee lagu maamulayo Diiwaangelinta Madanigaa, Istaatistikada Muhiimka ah iyo hababka Aqoonsiga si loo xaqiijiyo iskaashiga heerarka Dowladda loona fududeeyo adeegsiga qaybaha kala duwan ee dawladda xogta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.
  5. Kordhinta helitaanka xogta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah xilli munaasib ah si waafaqsan siyaasadaha Qaran si loogu adeegsado siyaasad-dejinta iyo horumarinta bixinta adeegyada dhammaan hey’adaha Dowladda, oo ay ku jiraan adeegyada caafimaadka iyo ilaalinta bulshada.
  6. In kor loo qaado wacyiga bulshada ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay diiwaangelinta dhacdooyinka muhiimka ah iyo sida ay qoysaska, bulshooyinka iyo dalalku uga faa’iideystaan Diiwaangelinta Madanigaa, iyadoona lala falgalayo bulshada Soomaaliyeed si loo kordhiyo baahida loo qabo diiwaangelinta dhacdo kasta oo muhiim ah.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa ku talineysa in Wasaaradaha shaqada ku leh Diiwaangelinta Madaniga ay mudnaanta siiyaan ka qeybgalidda Shirka Lixaad ee Wasaaradaha ku shaqada leh Diiwaangelinta Madaniga, kaasoo ka dhici doonaa Addis Ababa 24ta illaa 28da Oktoobar 2022ka. Ka qaybgalkaasi waxa uu lama huraan u yahay in Dowladda Soomaaliya ay door ka ciyaarto dammaanad qaadka in daneeyayaasha dawladda ee ay khusayso si hufan u gutaan doorarkooda iyo waajibaadkooda, isla markaana ay mideeyaan dadaaladda heer Qaran ee lagu horumarinayo laguna adkeynayo nidaamka Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Previous Post

Federal Government of Somalia, AFRICOM conduct airstrike against al-Shabaab terrorist

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In