Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Munaasabada Maalinta Diiwaangalinta Madaniga iyo Istaatistikada Muhiimka Ah Ee Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 10, 2022
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10ka Agoosto 2022, ku xustay Xarunta Wasaaradda Munaasabadda Maalinta Shanaad ee Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah ee Afrika 12 sano kaddib markii la aasaasay Barnaamijka Afrika ee dardargelinta iyo horumarinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah, kaasoo ah hannaan laga hirgeliyay Qaaradda Afrika looguna talagalay in lagu siiyo Waddamada Afrika taageero isku dhafan laguna adkeeyo isuduwidda si loo xoojiyo nidaamka Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Golaha Fulinta ee Midowga Afrika kalfadhigiisii caadiga ahaa ee 32aad, oo ka dhacay Addis Ababa 25kii iyo 26kii Janaayo 2018kii, ayaa ku dhawaaqay in ay 10ka Agoosto tahay Maalinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah si kor loogu qaado u qareemidda muhiimadda nidaamkan uu u leeyahay koritaanka Qaaradda Afrika. Waa munaasabad lagu weyneeyo taageerada iyo ballan-qaadyada heer qaran iyo heer goboleed ee lagu xoojinayo nidaamyadan iyo in la kordhiyo isuduwidda daneeyayaasha si looga faa’iideysto adeegyada khuseeya arrimahan. Haddaba, maanta ayaa ah maalinta Dalalka Afrika ay dib u xaqiijinayaan ka go’naanshaha qaadashada door hoggaamineed iyo lahaansho si loo xoojiyo Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Halku-dhigga Xuska sanadkan 2022ka ayaa ah “Adkaynta Isuduwidda, Hoggaaminta Qaran iyo Lahaanshaha si loo xoojiyo nidaamyada isku-dhafan ee Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah: Habka Lagu Xaqiijinayo #TirintaQofwalaba”. Halku-dhiggani wuxuu muujinayaa baahida loo qabo go’aan-qaadasho siyaasadeed oo joogtaa taasoo ah heer Qaran ah, iyo in Dawladda Soomaaliya ay qaadato doorkeeda hoggaamineed iyo lahaansho ee kaga aaddan xoojinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Howlwadeennada sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo maanta, 10ka Agoosto 2022, kaga qeyb galay xarunta Wasaaradda kulan lagu xusayo Maalinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah ee Afrika, ayaa ku booriyay Madaxda Qaranka, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiillada Beesha Caalamka:-

 

  1. In la sameeyo ama la joogteeyo howlaha guddiyada isuduwidda daneeyayaasha ku shaqada leh Diiwaangelinta Madanigaa, Istaatistikada Muhiimka ah iyo nidaamka Aqoonsiga si loo xoojiyo korna loogu qaado nidaamyadan iyo u adeegsiga xogtooda guud ahaan bixinta adeegyada dawladda.
  2. In la abuuro xiriir ka dhexeeya diiwaangelinta madanigaa, Istaatistikada Muhiimka ah iyo nidaamyada kale, sida maareynta aqoonsiga, nidaamyada caafimaadka iyo ilaalinta bulshada.
  3. Horumarinta hababka fartaabadka (Digitization) xogaha Diiwaangelinta Madanigaa oo qayb ka ah kaabayaasha muhiimka ah ee xogta dadweynaha si kor loogu qaado isku xirka iyo adeegsiga xogahaasi.
  4. Xoojinta qaab-dhismeedka sharci iyo nidaam ee lagu maamulayo Diiwaangelinta Madanigaa, Istaatistikada Muhiimka ah iyo hababka Aqoonsiga si loo xaqiijiyo iskaashiga heerarka Dowladda loona fududeeyo adeegsiga qaybaha kala duwan ee dawladda xogta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.
  5. Kordhinta helitaanka xogta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah xilli munaasib ah si waafaqsan siyaasadaha Qaran si loogu adeegsado siyaasad-dejinta iyo horumarinta bixinta adeegyada dhammaan hey’adaha Dowladda, oo ay ku jiraan adeegyada caafimaadka iyo ilaalinta bulshada.
  6. In kor loo qaado wacyiga bulshada ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay diiwaangelinta dhacdooyinka muhiimka ah iyo sida ay qoysaska, bulshooyinka iyo dalalku uga faa’iideystaan Diiwaangelinta Madanigaa, iyadoona lala falgalayo bulshada Soomaaliyeed si loo kordhiyo baahida loo qabo diiwaangelinta dhacdo kasta oo muhiim ah.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa ku talineysa in Wasaaradaha shaqada ku leh Diiwaangelinta Madaniga ay mudnaanta siiyaan ka qeybgalidda Shirka Lixaad ee Wasaaradaha ku shaqada leh Diiwaangelinta Madaniga, kaasoo ka dhici doonaa Addis Ababa 24ta illaa 28da Oktoobar 2022ka. Ka qaybgalkaasi waxa uu lama huraan u yahay in Dowladda Soomaaliya ay door ka ciyaarto dammaanad qaadka in daneeyayaasha dawladda ee ay khusayso si hufan u gutaan doorarkooda iyo waajibaadkooda, isla markaana ay mideeyaan dadaaladda heer Qaran ee lagu horumarinayo laguna adkeynayo nidaamka Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Previous Post

Federal Government of Somalia, AFRICOM conduct airstrike against al-Shabaab terrorist

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In