Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabado lagu weyneynayo xuska 1-da Luulyo oo ku beeagn 61- guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 1-da Luulyo sanadkii 1960-kii iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka.

Suxufiinta Warbaahinta Qaranka oo ku kala sugan goobaha ay ka dheceyso xafladaha ayaa ku soo waramaya in goobaha ay munaasabadda iminka ka socoto ay ka midtahy fagaaraha daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere oo ay soo buux dhaafiyeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sita calanka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socoto xafladda 1-da Luulyo, halkaasi oo ay ku suganyihiin madax ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug, Maamulka Gobolka, kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha bulshada ee magaalada ku dhaqan, waxaana xafladda soo buux dhaafiyay dadweyne sita calanka Soomaaliya iyo halka kuwa kalena ay wajiyada ku xardheen calanka, taasi oo muujineysa sida ay bulshada ugu weyntahay xuska todobaadka xoriyadda.

Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa iyana ka socoto munaasabad tan la mid ah oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq, xuno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo u taagan weyneynta maalinta qiimaha badan leh ee 1-da Luulyo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, isla markaana ah xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socoto munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu ka qeybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka, fanaaniin, saraakiil ciidan iyo dadweyne aad u fara badan, waxaana madasha ka hadli doono mas’uuliyiin kala duwanm, kuwaasi oo ka sheekeynaya taariikhda iyo halgankii loo soo maray xornimada dalka.

Guud ahaan waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga goobaha ay ka socdaan xafladaha lagu weyneynayo xuska 1-da Luulyo oo ah markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Gobollada Koonfur iyo Waqooyi.

 

 

 

Previous Post

Taliska ciidanka Booliska oo soo bandhigay rag loo haysto in falal burcadnimo ay ka geysanayeen Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo Hambalyo u dirtay shacabka

Next Post
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo Hambalyo u dirtay shacabka

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo Hambalyo u dirtay shacabka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In