Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Yemen: 85-Kun oo Halis ugu jira in ay u dhintaan Nafaqo daro.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Yemen: 85-Kun oo Halis ugu jira in ay u dhintaan Nafaqo daro.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Hay’adda Save The Children ayaa sheegtay in ku dhowaad 85 Kun oo ah caruurta reer Yemen  oo  da’dooda ay ka yar tahay 5 sano ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan nafaqo daro baahsan.

Bishii October Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 14 Milyan oo Yemen ay u dhintaan gaajo haddii aysan heli kaalmo degdeg ah.

Qaramada Midoobay waxa ay wadaa wadahadallo xal loogu raadinayo dagaalka muddada saddexda sano ka soconaya dalkaasi kaasi oo sababay xaalad bini’aadanimo tii ugu xumeyd abid.

Waxaa sii kordhayay hardanka tan iyo sanadkii 2015-tii markaasi oo Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ay bilaabeen duqeynta ka dhanka ah Xuutiyiinta oo ku qasbay Madaxweyne Cabdi Rabah Mansuur in Dalka uu ka baxo.

Waxaa adag in la xadido dhimashada, sababo la xiriira iyada oo ay meesha ka baxeen kala bar goobaha Caafimaadka ee Dadka lagula tacaali lahaa sida ay sheegayaan Shaqaalaha gargaarka.

Hay’adda badbaadinta Caruurta Save The Children waxa ay intaasi ku dartay in in tirada Caruurta u dhimaneysa nafaqo darada aysan helin wax daweyn ah, sida ay sheegeyso warbixinada aruurisay QM oo ay soo xigatay Hay’adda.

Qiimaha sicirka oo sare u kacay iyo hoos u dhaca lacagta Yemen, ayaa la rumeysan yahay in kaalin weyn ay ka qaateen dagaalada Sokeeye ee Yemen.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga

Next Post

Kenya: kooxo hubeysan oo geystay afduub & dhaawacyo kale

Next Post
Kenya: kooxo hubeysan oo geystay afduub & dhaawacyo kale

Kenya: kooxo hubeysan oo geystay afduub & dhaawacyo kale

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In