Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Yiwu-China: Suuqa-habeen, ganacsiga xoogan ee Soomaali iyo Ajnabi leh ee ka socda (Warbixin)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo
0
Yiwu-China: Suuqa-habeen, ganacsiga xoogan ee Soomaali iyo Ajnabi leh ee ka socda (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Yiwu waa magaalo yar oo ku taalo bartamaha Gobalka, Zhejiang oo dhaca beriga dalka Shinaha, balse waa suuqa uga weyn ganacsiga jumladda badeecooyinka guud ee dunida.

Magaalada ayaa ka ganacsada, una soo dukaamaysi taga ganacsato badan oo ka kale yimid daafaha dunida, waxana ka mida Soomaali oo qaarkood kuwaba nool, xarumo ganacsi iyo xafiisyaba ku leh iyo kuwa igu soo dukaamaysi tago dalka, deriska iyo dibbadiisa.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Wariyaha SONNA, Maxamed Cisma/an oo safar shaqo ku maraya gobalkaaas ayaa booqday magaalada, wuxuuna la kulmay Soomaali, Muslimiin Carab, Aasiya, Afrika iyo Ajnabikale oo badan.

“Waxkasta oo aad ku fekerto, waad ka helaysaa Yiwu” waa hal-hayska magaalada, waa sidaas oo magaalada waxa ka furan maqaaxi laga helayo cunto xalaal ah oo leh Shiinees, Turki, Masaari, Lubnaan iyo kuwa kale, waxaa sidoo kale ku yaalo hoteelo caalami ah iyo masaajiddo, waxaana intaa dheer suuq habeenkii kaliya shaqeeya, kaasi oo ku dhex-yaalo bartamaha magaalada waddo weyn oo dhex-marta sida uu ku soo waramaya wariyaha.

Suuqan-habeenkii ayuu shaqaynayaa, waxa uu u furan yahay ganacsatada Shiineeska ah oo waxa ay u dhaxeeyaan ganacsatada waa-weyn jumlada gadda iyo dadka macaamisha caadiga ah, dad kaskasta ha yeesheen, waxa ay gedayaan tafaariikh, inkasta oo jumlo ilaa in cayiman ay iibin karaan,wax-yaabaha layaabka leh waa in masaafo dhan hal KM oo laami ah laga bilaabo abaaro 6-dii maqribnimo ilaa 12-ka habeenimo laga dukaamaysanayo oo wax gaadiid la yiraahdo aan isticmaalaynin, mana loo maleeyo in maalintiina ay waddo tahay, habeena ay suuq tahay.

Waddadaas dhex-deeda, waxaa laga helayaa dhamaan wixii adeeg ah ee suuq looga baahnaa.

Ganacsatada Soomalida ayaa ii sheegay in ay ku farax-san yihiin ku ganacsiga, ku noolashaha iyo is-fahamka wax is-dhaafsiga iyo dadka Shiinaha magaalada ku dhaqan.

“Waxa aan imid magaaladan 2008-dii, waxa aan ku noolaa, oo aan ku ganacsanayey, tan iyo markaa, wax culeys ah oo aan ku qabo ma jiro, Soomaaliya iyo Kenyaba badeeco ganacsi baan gaynaa, halkan xafiis baan ku leenahay, luuqadda Shiinaha halkan baan ku bartay, weli waan bartaa, qoraalkeeda ayaa dhib ah”, Ganacsade Ismaciil Faarax ayaa u sheegay Wariyaha SONNA.

“Waa magaalo dhaqamo kala duwan leh, waxaana jira meelo caan ah oo dadka ajnabiga oo idil isugu yimaada, ma dareemaysid kalinimo oo meel kasta Soomaali baa ka helaysa, waa Soomaali-yarey”, ayuu raaciyey.

Wariyaha ayaa sidoo kale Suuqa kula kulmay Deeqo oo haweenay Soomaali ah, kana timid Canada kana dukamaysanayso Suuqa xilli barqa, 14-kii bishan October

“Haa walaal, waxaan ahay ganacsato ka timid Canada, go’yo baan halkan ka qaadayaa, waa suuq fiican inta badan isaga ayaan wax ka iibsadaa oo jaban, lagana fii’ido, sidoo kale waan tagaa Guangzhou”, Deeqo ayaa u sheegtay Wakaaladda SONNA.

Suuqan ayaa sidoo kale waxa laga helayaa badeecooyin Yurub iyo Aasiyan ay soo saareen, laguna iibiyo, waxana kamid caanaha, qalabka gaadiidka, Qamriga iyo IWM.

Badeecadaha qaar 90% Warshadaha soo saara ayaa toos looga keena, waxaana lagu iibinaya sicirka Warshadda, sidaas ayuuna qofka ganacsadaha ah ee iibsada uu toos u dhoofsanaya, iyada oo aan wax culeys kale ama canshuur la dul-saarin, balse marsiinayo nidaamka ganacsi ee u yaala magaalada, sida mas’uuliyiinta iyo ganacsatadaba u sheegeen SONNA.

Magaalada yar ee Yiwu, waxa ku nool 1.2 milyan oo dad ah oo ka mid ah 57-da milyan ee gobalka Zechejian guud ahaan ku nool, gobalkana wuxuu kamid yahay 10-ka gobal ee uga weyn 33-da gobal ee dalka Shiinaha.

Waa gobal horumar badan dhinaca teknoloojiyada, Waxbarashada, horumarka dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ka sameeyey, meelaha qaarna wuxuu ka horeeya magaalooyin badan oo ay caasimadda ku jirta sida uu wariyaha ku waramayo.

W/D: Maxamed Cismaan Cabdi “Black Cobra”

Previous Post

Dib u dhis lagu sameeyay qaar ka mid ah  Waddooyinka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1aad marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta Hidaha dhaqanka

Next Post
Guddoomiye Mursal oo goordhow furay kulanka maanta ee Golaha Shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1aad marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta Hidaha dhaqanka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In