Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Yuusuf Garad oo wareysi la yeeshay Khubaro soomaliya u matalaya Dacwadda Badda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Yuusuf Garad oo wareysi la yeeshay Khubaro soomaliya u matalaya Dacwadda Badda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Siyaasiga iyo Wariyaha Rug cadaaga ah Yusuf Garad ayaa wareysi la yeeshay khubarada Somaliya u meletalaya dacawadd bada ee Soomaliya iyo Kenya ka dhaxeysa, Qoraalki Waa sidaan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Soomaaliya Vs Kenya

Maanta waxaan fursad u helay in aan la fariisto khubrada farsamo iyo qaanuun ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal.

Aad ayay ugu mashquulsanaayeen dhammaystirka iyo hubinta dhammaystirka gal Dacwadeedka Soomaaliya oo Isniinta si rasmi ah loogu gudbin doono Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Waxayse iga aqbaleen in ay iiga jawaabaan su’aalo kooban:

Waxaan ogeyn in Dacwadda badda la gudbiyay sannadkii 2014. Maxaa keenay in Isniinta la gudbinayo mar kale?

Dacwadda markii ugu horreysay waxay Soomaaliya geysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda 28 August 2014. Sida nidaamka Maxkamaddu uu qabo waxay ahayd Dacwad kooban oo ah codsi muujinaya waxa laga cabanayo iyo sababta.

Ka dibna markii ay Maxkamaddu ka soo baaraan degtay in kiiskaasi yahay mid ay geli karto ayay isugu yeertay labada dhinac; kan dacwoonaya oo ah Soomaaliya iyo kan iska daafacaya dacwadda oo ah Kenya.

15kii Oktoobar 2014 ayaa Soomaaliya iyo Kenya ay isku hor fariisteen Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague si go’aan looga gaaro jadwalka iyo qaabka dacwadda.

Dood ay Kenya damacday in dib loo dhigo dacwadda ama wakhtigeedu daba dheeraado iyo Soomaaliya oo isku dayday in wakhtigu koobnaado oo go’aanku dhakhso u soo baxo ayay Maxkamaddu dhegeysatay labada dhinac ka dibna ay iyadu go’aank ku gaartay sidan:

In Soomaaliya ay soo gudbiso dacwad dhammaystiran oo wadata dokumenti markhaati ah oo muujinaya in badda lagu muransan yahay ay Soomaaliya leedahay – 13ka July 2015. Kiiska oo dhammaystiran.

Kenya iyada waxaa loo qabtay 27ka May 2016 in ay soo gudbiso wixii ay isku difaaceyso.

Muxuu le’eg yahay bedka badda lagu muransan yahay?

Qiyaastii waa 142,000 Km oo laba jibbaaran.

Dacwaddan, Yaa Soomaaliya matalaya?

Qareenno iyo khubaro isugu jira Soomaali, Mareykan, Faransiis iyo Ingiriis oo heer caalami ah ayna ka mid yihiin shakhsiyaad iyo sharikado kuwa adduunka ugu wanaagsan kiisaska noocaan ah.

Ma taqaanniin cidda mataleysa Kenya?

Maya.

Go’aanka yaa gaaraya?

Garsoorayaasha Maxakamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa 15 ay ku jiraan Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen. Iyaga ayaa wadajir uga fariisanaya go’aanna ka gaaraya.

Sida xeerka Maxkamaddu uu qabo, haddii Garsoorayaasha Maxkamadda uu ka mid yahay qof u dhashay labada dal ee is dacweynaya midkood, waxaa dalka kale loo oggol yahay in Garsoore dalkeeda ka socda uu dacwaddaas marka la qaadayo oo keliya uu la fariisto Garsoorayaasha Maxkamadda.

Sidaa darteed, maaddaama Guddoomiye ku xigeenka Maxkamaddu uu yahay Garsoore Soomaali ah, waxaa Kenya u bannaan in ay Gasoore Kenyan ah ay u soo dirsato in uu la fariisto Garsoorayaasha Maxkamadda marka ay kiiskan go’aan ka gaarayaan.

Goorma ayaa la fili karaa go’aanku in uu soo baxo?

Horraanta 2017.

Inta ka horreysa sharikadaha shidaalka ka baaraya badda ee Kenya u baaraya Maxkamaddu ma ka joojineysaa?

Maya. Inkasta oo ay noo furnayd in aan arrintaa dacwad ka furno, haddana ma aynaan weydiisan. Sababta oo ah waxay noqon lahayd in laba loo kala qaado dacwooyinka. Oo marka hore la qaado dacwad ku saabsan joojinta. Inta aan loo gelin xadeynta badda.

Waxaan u aragnay in taasi ay sii daahineyso wakhtiga ay baddeennu nagu soo wareegeyso.

Laakiin intaa ugama aynaan harin. Waxaan toos ula xiriirnay Sharikadaha shidaalka ka baaraya badda. Digniin ayaan siinnay. Qaar badani way ka baxeen. Kuwa ku harayna waxay Dowladda Soomaaliyeed ku soo rogtay ganaax maalinle ah.

Marka ay Maxkamddu xukun riddo, ma laga qaadan karaa racfaan?

Maya. Go’aanka Maxkamaddan waa in sidiisa loogu dhaqmaa waana kama dambeys.

Maxay la eg tahay rajada in Soomaaliya ay ku guuleysato in ay Baddeeda si sharci ah dib ugula soo noqoto?

Aad iyo aad ayay u sarreysaa. Marka la eego go’aammadii hadda ka hor laga gaaray kiisaska noocaan ah iyo weliba caddeeymaha farsamo iyo kuwa qaanuun ee la hayo, aad iyo aad ayaan ugu rajo weyn nahay in aan ku guuleysanno dacwaddan.

Xaggee lagala socon karaa macluumaadka Dacwaddan?

Dadka af Ingiriiska akhriyaa waxay kala socon karaan barta internetka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

F. G. Waxaan u fasaxayaa Baraha Internetka ee doonaya in ay sii daabacaan qoraanlkan, haddii aanay waxba ka beddelin.

http://yusuf-garaad.blogspot.com/2015/07/soomaaliya-vs-kenya.html?spref=fb

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radiomuqdisho

Next Post

Kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha G/Hiiraan oo lagu qabtay Beledweyne

Next Post
Kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha G/Hiiraan oo lagu qabtay Beledweyne

Kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha G/Hiiraan oo lagu qabtay Beledweyne

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In