Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Yuusuf Garad oo wareysi la yeeshay Khubaro soomaliya u matalaya Dacwadda Badda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Yuusuf Garad oo wareysi la yeeshay Khubaro soomaliya u matalaya Dacwadda Badda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Siyaasiga iyo Wariyaha Rug cadaaga ah Yusuf Garad ayaa wareysi la yeeshay khubarada Somaliya u meletalaya dacawadd bada ee Soomaliya iyo Kenya ka dhaxeysa, Qoraalki Waa sidaan.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Soomaaliya Vs Kenya

Maanta waxaan fursad u helay in aan la fariisto khubrada farsamo iyo qaanuun ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal.

Aad ayay ugu mashquulsanaayeen dhammaystirka iyo hubinta dhammaystirka gal Dacwadeedka Soomaaliya oo Isniinta si rasmi ah loogu gudbin doono Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Waxayse iga aqbaleen in ay iiga jawaabaan su’aalo kooban:

Waxaan ogeyn in Dacwadda badda la gudbiyay sannadkii 2014. Maxaa keenay in Isniinta la gudbinayo mar kale?

Dacwadda markii ugu horreysay waxay Soomaaliya geysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda 28 August 2014. Sida nidaamka Maxkamaddu uu qabo waxay ahayd Dacwad kooban oo ah codsi muujinaya waxa laga cabanayo iyo sababta.

Ka dibna markii ay Maxkamaddu ka soo baaraan degtay in kiiskaasi yahay mid ay geli karto ayay isugu yeertay labada dhinac; kan dacwoonaya oo ah Soomaaliya iyo kan iska daafacaya dacwadda oo ah Kenya.

15kii Oktoobar 2014 ayaa Soomaaliya iyo Kenya ay isku hor fariisteen Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague si go’aan looga gaaro jadwalka iyo qaabka dacwadda.

Dood ay Kenya damacday in dib loo dhigo dacwadda ama wakhtigeedu daba dheeraado iyo Soomaaliya oo isku dayday in wakhtigu koobnaado oo go’aanku dhakhso u soo baxo ayay Maxkamaddu dhegeysatay labada dhinac ka dibna ay iyadu go’aank ku gaartay sidan:

In Soomaaliya ay soo gudbiso dacwad dhammaystiran oo wadata dokumenti markhaati ah oo muujinaya in badda lagu muransan yahay ay Soomaaliya leedahay – 13ka July 2015. Kiiska oo dhammaystiran.

Kenya iyada waxaa loo qabtay 27ka May 2016 in ay soo gudbiso wixii ay isku difaaceyso.

Muxuu le’eg yahay bedka badda lagu muransan yahay?

Qiyaastii waa 142,000 Km oo laba jibbaaran.

Dacwaddan, Yaa Soomaaliya matalaya?

Qareenno iyo khubaro isugu jira Soomaali, Mareykan, Faransiis iyo Ingiriis oo heer caalami ah ayna ka mid yihiin shakhsiyaad iyo sharikado kuwa adduunka ugu wanaagsan kiisaska noocaan ah.

Ma taqaanniin cidda mataleysa Kenya?

Maya.

Go’aanka yaa gaaraya?

Garsoorayaasha Maxakamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa 15 ay ku jiraan Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen. Iyaga ayaa wadajir uga fariisanaya go’aanna ka gaaraya.

Sida xeerka Maxkamaddu uu qabo, haddii Garsoorayaasha Maxkamadda uu ka mid yahay qof u dhashay labada dal ee is dacweynaya midkood, waxaa dalka kale loo oggol yahay in Garsoore dalkeeda ka socda uu dacwaddaas marka la qaadayo oo keliya uu la fariisto Garsoorayaasha Maxkamadda.

Sidaa darteed, maaddaama Guddoomiye ku xigeenka Maxkamaddu uu yahay Garsoore Soomaali ah, waxaa Kenya u bannaan in ay Gasoore Kenyan ah ay u soo dirsato in uu la fariisto Garsoorayaasha Maxkamadda marka ay kiiskan go’aan ka gaarayaan.

Goorma ayaa la fili karaa go’aanku in uu soo baxo?

Horraanta 2017.

Inta ka horreysa sharikadaha shidaalka ka baaraya badda ee Kenya u baaraya Maxkamaddu ma ka joojineysaa?

Maya. Inkasta oo ay noo furnayd in aan arrintaa dacwad ka furno, haddana ma aynaan weydiisan. Sababta oo ah waxay noqon lahayd in laba loo kala qaado dacwooyinka. Oo marka hore la qaado dacwad ku saabsan joojinta. Inta aan loo gelin xadeynta badda.

Waxaan u aragnay in taasi ay sii daahineyso wakhtiga ay baddeennu nagu soo wareegeyso.

Laakiin intaa ugama aynaan harin. Waxaan toos ula xiriirnay Sharikadaha shidaalka ka baaraya badda. Digniin ayaan siinnay. Qaar badani way ka baxeen. Kuwa ku harayna waxay Dowladda Soomaaliyeed ku soo rogtay ganaax maalinle ah.

Marka ay Maxkamddu xukun riddo, ma laga qaadan karaa racfaan?

Maya. Go’aanka Maxkamaddan waa in sidiisa loogu dhaqmaa waana kama dambeys.

Maxay la eg tahay rajada in Soomaaliya ay ku guuleysato in ay Baddeeda si sharci ah dib ugula soo noqoto?

Aad iyo aad ayay u sarreysaa. Marka la eego go’aammadii hadda ka hor laga gaaray kiisaska noocaan ah iyo weliba caddeeymaha farsamo iyo kuwa qaanuun ee la hayo, aad iyo aad ayaan ugu rajo weyn nahay in aan ku guuleysanno dacwaddan.

Xaggee lagala socon karaa macluumaadka Dacwaddan?

Dadka af Ingiriiska akhriyaa waxay kala socon karaan barta internetka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

F. G. Waxaan u fasaxayaa Baraha Internetka ee doonaya in ay sii daabacaan qoraanlkan, haddii aanay waxba ka beddelin.

http://yusuf-garaad.blogspot.com/2015/07/soomaaliya-vs-kenya.html?spref=fb

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radiomuqdisho

Next Post

Kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha G/Hiiraan oo lagu qabtay Beledweyne

Next Post
Kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha G/Hiiraan oo lagu qabtay Beledweyne

Kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha G/Hiiraan oo lagu qabtay Beledweyne

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In