Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

​Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo arimaha diinta ee Jubbaland.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wejigii Saddexaad ee doorashooyinka Aqalka hoose Jubbaland oo Maanta lasoo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo abaabushay hay’ada Somali American Leadership Council ,waxa uu ahmiyad u alahaa kasoo qeybglayaal badan oo xog ka rabay in ay ka helaan deegaanada Jubbaland.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen dad u badan ganacsato iyo siyaasiyiin waxaa diirada lagu saaray arimaha Horumarka iyo isbadalka ka jira dalka Soomaaliya.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka ayaa bixiyay xogwareysi aad u dheer oo dhinacyo badna taabanaya, waxa uuna muujiyay sida wali loo sugayo doorka qurba joogta iyo sidii ay dalka dib ugu laaban lahayeen.

Dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada, iyo arimaha qaxootiga la soo celiayay ayuu si weyn uga waramay waxayna dhamaan xogahan bixinayeen tusaalooyin sababaya in qurba joog badan ay ku dhiiradaan in ay dalka dib ugu laabtaan.

Aw-hirsi ayaa dhanka kale xusay sida wali ay gaabiska u yihiin arimaha la xariira xoreynta gobolka Jubbada Dhexe  iyo deegaanano kale sababo la xariira diyaargarow qaatay mudo.

Wasiirka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday halka ay marayaan arimihii dib u heshiisiinta oo qabyo noqday dadbadan ka dhursugayaan, waxa uuna sheegay in ay wali jiraan isbadalo laga dhursugayo balse aan la laalin wada hadaladii oo ay sii socon doonaan.

Qeybihii kala duwanaa ee ka hadlay kulankan waxa ay sheegeen sida lagama maarmaan ay u tahay in lagu laabto dalka lana taageero isbadalka jira, waxay baaq iyo codsi u direen Baarlamanka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in gacantooda ay ku jirto Mustaqbalkii Soomaaliya lagana sugayo in ay Taariikh qoranta sameyaan oo ay jilasha danbe dhaxlaan.

Waa markii ugu horeysay oo wasiir ka socda Jubbaland uu yimaado Ohio tan iyo intii dhidibada loo taagay.

Previous Post

Sawiro:Qunsuliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Cadan oo Qaxooti Soomaaliyeed Dib usoo Celineyso.

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo Soo xiray kala fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland (SAWIRO)

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo Soo xiray kala fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland (SAWIRO)

Madaxweynaha Jubbaland oo Soo xiray kala fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland (SAWIRO)

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In