Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo Soo xiray kala fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland (SAWIRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo Soo xiray kala fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland (SAWIRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray kala fadhigii labaad ee Baarlamaanka Dowlada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiilada u jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlay dhinacyo badan.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Arimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Hanaanka Dowliga ah, iyo Xoraynta ayuu si weyn diirada ugu saaray Madaxweynahu qudbada uu Maanta ka jeediyay Xarunta Golaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sheegay in amaanka deeganada xorta ah ee Jubbaland uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo taas oo ay suurta galiyeen Hay’adaha kala duwan ee Nabadgalyada oo uu xusay in la’aantood ayna wax badan Dowlada u qabsoomeen.

“Kismaayo oo ah halka aan maanta joogno amaan buuxa oo aad wada ogtihiin sida uu ku yimid ayaa maanta ka jira oo ay sahleen Allah ka sakow Ciidamada oo kaashanaya dadweynaha” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dadweynaha ayuu ka codsaday in ay garab istaagan Hay’adaha amaanka oo ay shaqadooda u fududeeyaan.

Mar uu ka hadlayay Dhibaatada Kooxaha Nabad’diidka ah ay ku hayaan Bulshada xoolo dhaqatada ah ayuu sheegay in ay Dowladu garab taagan tahay dadkaas oo ay ilaa hada hubaysay qaar badan oo kamid ah dadka deeganka kuwaas oo xoolahii ay ka dheceen Al-Shabaab dib uga soo furtay Ciidamada Dowladana hada la hawlgalaya.

Deeganada wali ay ku harsan yihiin Kooxaha Argagixisada ah ayuu xusay in la xorayn doono oo ay sugayaan oo kaliyah in si wada jir ah hawlgalka loo bilaabo.

Arimaha Dhaqaalaha ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sheegay in ay wax badan oo culays ah uu ka jiro deeganada dalka oo aan isku furayn taasna ay meesha ka baxayso marka hawlgalka xorayntu uu bilawdo.

“Dhaqaalaha Dowladu wax badan ayay ka qabatay oo ay ugu horayso hawsha ay hayso Wasaarada Maaliyadu lakiin waxaa culays uu ka jiraa deeganada oo isku socodkooda dhinaca dhulka ah uu adag yahay” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Siyaasada Soomaaliya ayuu xusay in uu rajaynayo in ay wax badan iska badalaan bilawga sanadkan isagoo Xildhibaanada Federaalka ku booriyay in ay doortan qof Soomaaliya halka ay joogto kasii wadi kara oo Hogaamin wanaagsan leh.

Gaba gabadii Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu uga mahad celiyay sida ay ugu dhabar adaygeen duruufaha Dalka ka jira isagoo amaanay hawshii wanaagsanayd ee ay qabteen Kalafadhigii labaad oo Madaxweynahu uu si Rasmi ah usoo xiray.

S09A0665 S09A0662 S09A0661 S09A0660

Previous Post

​Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo arimaha diinta ee Jubbaland.

Next Post

Munaasabad Lagu taagyeeraayey Gudoonka Cusub ee Baarlamanka Dawlada Soomaaliya ayaa kadhacadey Magaalada baydhabo ee Xaruunta G/baay.

Next Post
Doorashada guddoomiye ku xigeenada oo bilaabatay

Munaasabad Lagu taagyeeraayey Gudoonka Cusub ee Baarlamanka Dawlada Soomaaliya ayaa kadhacadey Magaalada baydhabo ee Xaruunta G/baay.

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In