Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Daawada, ayaa goob-joog ka ahaa ansixinta Sharciga Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhiga Golaha oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), kaas oo si rasmi ah u furay kalfadhiga ayadoona uu kooramka ku xadir ahayeen 28 Xubnood, intaa kadib, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare, Sen. Prof. Dr. Osman Dufle, ayaa Golaha ka jeediyay Akhrinta Saddexaad ee hindise-sharciyeedka, si ay Senatoradu ugu codeeyaan ansixintiisa, ayadoona uu sharcigani waxa uu laf-dhabar u yahay horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka Dalkeena.

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Kadib, Guddoomiye Ku-Xigeenka oo Shir-guddoominayay ayaa codsaday in cod loo qaado sharciga, waxaana ogolaaday 27 Senator, halka hal Senator uu ka gaabsaday, intaa kadib ayuu ku dhawaaqay natijada rasmi ah isagoo sheegay in Aqalka Sare ay cod aqlabiyad ah ku ansxiyeen Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, oo Golaha ka jeedisay hadal qiima leh iyaddo marka hore mahadcelisay Golaha Aqalkan Sare, dhanka kalana sheegatay in maanta ay thay maalin taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda Caafimaadka Soomaaliya, sidookalena carrabka ku adkaysay in sharcigani door weyn ka qaadan doono maamulida, hubinta tayada iyo helitaanka daawo waxtar u leh bulshada.

Sidookale, Dr. Maryama ayaa cadaysay in Sharcinagan uu si wax ku ool ah uga hortagi doono daawooyinka been-abuurka ah iyo kuwa tayadoodu liidato, iyadoo la gilin doono hanaanka caalamiga ah ee xakameynta dawooyinka khatart ku ah caafimaadka bulshada.

Ugu danbeyntii Wasiiru-dowlaha ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay Guddoonka iyo Senatorada ee ansixiyay sharcigan muhiimka ah, iyada oo ku nuuxnuuxsatay in Wasaaradda Caafimaadku ay ka go’an tahay hirgelinta sharcigan si loo xaqiijiyo danaha caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

 

Previous Post

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

Next Post

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Next Post
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In