Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ข๐—ผ ๐—Ÿ๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ข๐—ผ ๐—Ÿ๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada ee ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay, iyada oo laga duulayo howlaha horutabinta u leh xukuumadda DanQaran, si sare loogu qaado tayada nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Hayโ€™adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hayโ€™adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Isla-xisaabtanka oo lagu bilaabay wasaaradaha ku mideysan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxa ay soo bandhigeen guulaha ay xaqiijiyeen iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dalka, iyada oo la raacayo yoolalka qorshaha isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii Waxqabad ee ay horey u wada galeen Raโ€™iisul Wasaaraha.

Wasaaradahan ayaa soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; Kobaca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah oo maaliyadeed, fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha, qorsheynta maalgashiyo caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka hawada, dekadaha iyo waddooyinka, barnaamijyo shaqo abuur bulsho oo lagu garab istaagayo dhallinyarada iyo bulshada ku wooda nugul.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa Wasaaradaha waxa uu suโ€™aallo ka weydiiyey qorshayaashooda Qaranka, si loo hubiyo in ay xaqiijiyeen barnaamijyadii iyo ballan-qaadkii ay horey u saxiixeen. Waxa uuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorshayaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo wasaarad walba shaqada ay hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray.

Xukuumadda DanQaran, ayaa muddadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay waxa ay xaqiijisay guulo wax-ku ool ah iyo yoolal muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horseeday kobac dhaqaale, horumar amni, dib-u-dhiska dalkeenna, adkaynta midnimada, iyo fududeynta adeegyada dowladda oo loo dhaweeyay shacabka, si loo gaaro horumar taabbo-gal ah.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Next Post

Wafdi sare oo ka socda Hayโ€™adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Next Post
Wafdi sare oo ka socda Hayโ€™adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hayโ€™adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Hayโ€™adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hayโ€™adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Heyโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hayโ€™adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In