Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay munaasabad lagu wareejinayay deeq lacageed 14,400 US Dollar oo ay iska soo uruuriyeen shaqaalaha hay’adda, laguna wareejiyay dhallinyarada Ururka Daryeel Bulsho, oo ah urur si firfircoon uga shaqeeya gurmadka abaaraha iyo caawinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen biyo, cunto iyo gargaar degdeg ah.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka qayb galay munaasabadda ayaa booriyay in ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed is caawiso oo ay isku garab istaagto marka ay timaado xaaladaha adag sida abaaraha.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuuney

March 29, 2026

Dhankiisa, Guddoomiyaha Ururka Daryeel Bulsho Maxamed Cali Siyad (Champion) ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay noqotay hay’addii dowladeed ee ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqooda gurmadka, isagoo uga mahadceliyay dareenka iyo kaalinta ay qaateen shaqaalaha hay’adda.

Sidoo kale, Cismaan Muxiyadiin Shaatax, Guddoomiyaha Daladda Ururrada Bulshada Rayidka, ayaa muujiyay mahadcelin ballaaran oo uu u jeediyay hay’adda, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid dhiirrigelin u noqon karta hay’adaha kale si ay uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa ku dhiirrigeliyay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay sii wadaan doorkooda ku aaddan howlaha samafalka iyo taageeridda bulshada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga naxo in maanta ay jiraan dad Soomaaliyeed oo biyo la’aan u dhimanaya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed qaataan masuuliyadda ka saaran garab istaagga walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen, isla markaana ay xoojiyaan dadaallada gurmadka.

Previous Post

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Next Post
Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuuney

March 29, 2026
0

Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa maanta oo ay taariikhdu...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kadib...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In