Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga arrinsanayo arrimaha amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Shir looga arrinsanayo arrimaha amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(GAALKACYO):- Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug, Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto), ayaa shir gudoomiyay shirka amniga ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuna sheegay in kulankani yahay mid muhiim u ah xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan gobolka Mudug.

Wasiirku wuxuu xusay in la isla meel dhigay qorshayaal lagu dardar-gelinayo iskaashiga ciidamada kala duwan, taas oo kaalin weyn ka qaadan doonta yareynta falalka amni darrada iyo sugidda nabadgelyada shacabka.

Related posts

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026

Shirka Amniga ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, Taliyaha Daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar, Taliye ku xigeenka Asluubta Galmudug Axmed Nuur Cawaale Fagaan, saraakiil ka tirsan ciidamada isku dhafka, saraakiisha Danab, Taliyaha sahanka sirdoonka militariga Soomaaliya.

Iyo ku xigeenka taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug G/dhaxe Maxamed Axmed Shire iyo taliyaha booliiska dagmada Galkacyo Gaashaanle Cali Xirsi Sahal.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Galmudug waxa uu ka rajeyay dhammaan hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka inay si dhab ah uga shaqeeyaan fulinta qodobada lagu heshiiyay, isla markaana ay wadajir u muujiyaan dadaal iyo isku xirnaan joogto ah.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Ra'iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In