Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyey Agaasime Goboleedka EMRO ee Hayโada Caafimaadka Adduunka WHO Dr. Hanan Balkhy.
Soo dhawaynta waxaa Wasiirka ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, qaar ka mid ah howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka, xubno ka socday WHO xafiiska Muqdisho oo ay ugu horeyso Dr. Reenee Madaxa WHO ee Soomaaliya.
Dr. Hanan oo safar ku mareysay dhowr iyo labaatanka dal ee ku mideysan Urur goboleed WHO/EMRO ayaa markeedii ugu horreysey soo gaartey dalka ka dib doorashadeedii, iyadoo madaxda sare ay kala hadli doonto kor u qaadidda Caafimaadka guud ee dalka iyo doorka WHO ay ku leedahay.