Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐‚๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐ฆ๐š๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฅ๐šโ€™ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ก๐š๐ ๐š๐š๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐š๐ช๐š๐ฅ๐ค๐จ๐จ๐

Idman Yahye by Idman Yahye
1 year ago
in Wararka
0
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐‚๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐ฆ๐š๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฅ๐šโ€™ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ก๐š๐ ๐š๐š๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐š๐ช๐š๐ฅ๐ค๐จ๐จ๐
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo Dhaweeyay 15 Carruur Soomaaliyeed oo ku dhashey maqal laโ€™aan ku waasoo dib loogu habeeyey maqalkooda ka dib qaliimo guuleystey oo lagu sameeyey.

Soo dhawaynta Wasiirka waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Abdijaliil, Madaxa ENT Wasaaradda iyo xubno ka socdey IRVD, arrinta ayaa aheyd tallaabo muhiim ah ay waadey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya taasoo looga gargaarayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka iyo adeegga Caafimaadka.

Related posts

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026

Carruurtan, oo daโ€™doodu u dhaxeyso 3 ilaa 6 sano jir, ayaa qaliim Caafimaad loogu sameeyey dalka dibadiisa, taasoo imaatey ka dib dadaal dheer oo ay bixisey Wasaaradda Caafimaadka oo garabsaneysa Heyโ€™adda King Salmaan oo kaalin mug leh ka qaadatey qabsoomidda howshan heerka Qaran ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa arrintan ku tilmaamey natiijo horudhac u ah tallaabooyin kale oo fursado Caafimaad lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaadka, Wasiirka ayaana u mahadceliyey Heyโ€™adda King Salmaan door muhiim ah ka qaadatey howshan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an xal u helidda baahiyaha bulshada gaar ahaan kuwa aadka u nugul sida Caruurta Haweenka iyo waayeelka si loo xaqiijiyo yoolka guud ee Wasaaradda kaasoo ah Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goobkasta iyo goorkasta dalka.

Previous Post

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Mongolia oo Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Gudbisay

Next Post

Dagmooyinka Xamarwayne,Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Next Post
Dagmooyinka Xamarwayne,Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Dagmooyinka Xamarwayne,Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hayโ€™adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐‚๐š๐ซ๐ฐ๐š๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In