Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

30 Sano Kadib xiriirka Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo soo laabtay (Qormo)

admin by admin
February 28, 2020
in Maqaallo, Wararka
0
30 Sano Kadib xiriirka Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo soo laabtay (Qormo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga sare bangiga Aduunka ayaa qaaday talaabo ay ku soo celinayaan xiriirkii Bangigu lalahaa Soomaaliya sodon sano kadib, Tani waxay albaabka u furaysa fursadaha Soomaaliya ay u heli karto maalgalinta bangiga aduunka  iyo Hey’adda Horumarinta caalamiga ah (IDA ), iyo la shaqeynta si dhow qeybaha kooxaha bangiga aduunka oo soo jeedinaysa maalgashadayaasha  dibada taasi oo taageeri doonto deganaanshaha iyo horumarka dalka.

“Go’aanka maanta waxa uu si buuxda u so celinayaa howlgalka, Bangiga Aduunka wuxuu iminka Soomaaliya siin karaa taageerada ugu xooggan uguna macquulsan si ay u gaarto horumar dhaqaale iyo bulsho” ayuu yiri Madaxa Howlgalka Bangiga Aduunka  Axel van Trotsenburg

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

“ Tani waa natiijo taariikhi ah oo ku timid sanado badan oo aanu si dhow u wada shaqeynaynay Dowladda Federaalka, hada waxaan eegaynaa in aan  hore ugu dhaqaaqno xiriirkeena ilaa uu gaaro mid qota dheer oo balaaran maalgalin ahaan iyo farsamo ahaan taageerada bangiga” ayuu ku daray Madaxa Howlgalka Bangiga Aduunka

Go’aanka guddiga sare waxaa uu ku dhisan yahay dib u habeynta xooggan ee dowladdu ka sameysay diiwaanka maaliyada, siyaasada, Bulshada iyo Dhaqaalaha sanadihii u dambeeyayay, Maamulka Maaliyada Soomaaliya waxaa uu daboolay,  Urrurinta Daqliga, Miisaaniyadda, Nidaamka Iibka, Hanti dhowrka, iyo maamulka qarashaadka, sidaa si la mid ah isla xisaabtanka ku dhisan nidaamka Maareynta Maaliyada Guud ( PFM).

Dalka waxa kale uu diirada saaray inuu dareen xooggan siiyo dhismaha hey’adaha maamulka maaaliyada, dib u yegleelida shuruucda saldhiga u ah suuqyada dhaqaalaha,  iyo soo bandhiga dib u habeynta qeybaha muhiimka sida Isgaarsiinta, Bangiyada iyo  Korontada.

Siyaasada dhaqaalaha ayaa dib u habeyn lagu sameeyay sida meelmarinta sharciga Maamulka Maaliyada Dalka (PFM) iyo Sharciga Shirkadaha kuwaas  oo horumarinaya  maamulka maaliyada dalka iyo uruurinta daqliga

“ Soomaaliya waxa ay sameysan dib u habeyno muhiim ah waxayna la timid go’aan si halkaan ay u soo gaarto” ayuu yiri Hafez Ghanem, Madaxweyne ku xigeenka Bangiga aduunka ee Afrika

Waxaa uu ku daray “ dib habeynadani waxay salka u dhigayaan in la joogteeyo yareynta faqriga iyo nolol wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaaliya iyo in albaabada ay u furmaan maalgalinta hey’adaha gaarka loo leeyahay oo abuuri karta shaqooyin iyo horumar dhaqaale

Dib u habeyntani oo la sii wadaa waxay xoojinaysaa in dowladdu awood u yeelato bixinta adeegyada bulshada u baahan tahay sida Caafimaadka iyo waxbarashada  iyo sameynta hannaan ay ku tartamaana shirkada gaarka loo leeyahay si daah furan kaasi shaqo u abuuraya bulshada si gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu yiri warbixinta bangiga aduunka

Bangiga ayaa  dowladda ku amaanay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo hoosta ka xariiqaya sida Soomaaliya loo taageerayo ahmiyadaha horutabinta u leh iyo meelaha ugu muhiimsan ee ay tahay in la maalgaliyo.

“Maanta waxay cadeynaysaa muhiimada horumarka aan sameynay oo ah inaan dib u soo ceshanaya xiriirkeena kooxda Bangiga aduunka” sidaasi waxa yiri wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beylle.

Aqoonsigani wuxuu hoosta ka xariiqayaa hankeena dib u habeynta waxa uu sugaya ka go’naanteena inaa horu u sii wadno daah furnaanta iyo isla xisaabtanka hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya si aan u horumarino dhaqaalaha, waxaan u mahad celinaynaa Bangiga Aduunka oo nga taageeray horaan si aan u soo gaarno halkaan waxaan eegaynaa qorshayaasha wajiga xiga ee maalgalinta si aan u gaarno hadafka yareynta faqriga ee qorshaha horumarinta qaranka” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle

Go’aanka maamulka saree e bangiga aduunka ee maanta soo baxay wuxuu ka shaqeynaya in Soomaaliya hesho maalgalinta mashaariic lagu taageero dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah iyada oo loo marinayo hey’adda horumarinta caalamiga ah (IDA)  waxa kale oo qeyb ka ah deymo la siinayo hey’adaha gaarka loo leeyahay si siman  iyada ioo loo marayo Hey’adda caalamiga ah ee maalgalinta shirkadaha (IFC) , ceymiska qataraha siyaasada oo ay bixiso hey’adda damaanad qaadka maalgalinta wadajirka si loo fududeeyo maalgalinta dibada ayay sidookale helaysaa Soomaaliya

Bangiga Aduunka kaalin wanaagsan ayuu qaatay si ay Soomaaliya bartaan u soo gaarto waxayna bixisay 250 milyan oo doolar oo la soo mariyay Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah si loo taageero dib u habeynta maaliyada dalka iyo bixinta adeegyada aas aasiga ah, sidookale maalgalinta deeq bixiyayaasha Soomaaliya sida Danmark, dowladaha Midoobay ee Yurub, Finland, Italy, Norway, Swedan, Switzerland, Boqortooyada ingiriiska iyo Dowladda Mareekanka  waxay qaateen kaalin fiican si dhidibada loogu aaso nidaamka dalka.

Taageeraada cusub ee Hey’adda Horumarinta Caalamiga waa la diyaarinayaa bilaha soo aadanna way imaanayaan. Ujeedku waa in jawaab laga bixiyo saameynta abaarihii dhawaa iyo daadadkii ku dhuftay dalka, yareynta faqriga iyada oo lo marayo badbaada bulshada sida 200.000 oo haween iyo caruur  ka yar 5 sano la siinayo adeegyo Caafimaad iyo waxbarasho,  helida biyo iyo koronto iyo waxaa la maalgalinayaa mashaariicda muhiimka ah ee dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, ku dhawaad 70% dadka Soomaaliyeed maalintii waxa ay ku nool yihiin $ 1.90 ama wax ka yar laba doolar, maalgalinadani waxay gacan ka gaysanayaan horumarinta nolosha malaayiin Soomaali ah kuwooda nugul ah iyo xoojinta nidaamka loo baahan yahay si loo helo nolol ka wanaagsan  mida maanta iyo mustaqbal degan.

Caadi ku soo celinta xiriirka Bangiga Aduunka waxa kale oo uu Soomaaliya ku caawinaya wadiiqada looga gudbayo hal abuurka dayn dhaafka wadamada faqriga (HIPC) iyo hal abuurka dayn dhaafka kala duwan (MDRI)  barnaamijyadaas oo dhiragalinaya kobaca iyo soo kabashada sanadaha soo aadan ee Soomaaliya

Qormadaan oo lagu daabacay Bogga rasmiga ah ee Bangiga Aduunka waxa tarjumay Cabdishakuur Cali Axmed

Previous Post

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo ka qaybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Kumaandooska Xoogga ee Gor-gor “SAWIRRO”

Next Post

Kulan lagu xoojinayo Nabad gobolka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Kulan lagu xoojinayo Nabad gobolka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Kulan lagu xoojinayo Nabad gobolka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In