Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden oo la kulmay baarlamaanka dalkaas

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Safiirka  Cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden oo la kulmay baarlamaanka dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden danjire Cawaale Cali Kulane ayaa kulamo muhiim ah la qaatay xubno ka tirsan baarlamaanka Dalka Sweden iyo madaxda magaalada Stockholm kaddib markii uu casuumaad ka helay.

Danjire Cawaale Cali kulane ayaa waxaa ku so dhaweeyey xarunta Baarlamaanka dalka Sweden xubno ka tirsan Baarlaamaanka Sweden oo uu horkacaayo Anders Österberg oo ka tirsan guddiga arrimaha dibada, waxaana xildhibaanada kulankan ka qeybgalay ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in 27sano kaddib in uu Sweden yimaado Safiir Soomaaliyeed oo sii xoojin doono xiriirka labada.

Related posts

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026

Danjire Cawaale oo ay wehliyeen xubno Soomaali ah oo ka tirsan golaha deegaanak magaalada Stockholm ayaa lagu soo wareejiyey qeybaha kala duwan ee baarlamaanka dalka Sweden, iyada oo intaasi kaddibna loo dhaaqaaqay aqalka looga arrimiyo magaalada Stockholm waxaana danjire Cawaale Cali kulane ku soo dhaweeyey guddoomiyaha golaha deegaanka magaalada Stockholm Eva-Louise iyada oo muujisay in magaalada Stockholm ay mar kale farxad u tahay in ay soo dhaweyso safiir Soomaaliyeed mudo dheerna ay sugayeen.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Sweden mudane Cawaale Cali Kulane ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyey xarunta baarlamaanka dalka Sweden iyo aqalka magaalada Stockholm, waxa uuna sheegay in kulamadani ay bilow u yihiin amba qaadka xoojinta xiriirka labada dal.

dhanka kale danjire Cawaale Cali kulane oo ka mid ahaa wafdigii Soomaaliya ee goob jooga ka ahaa dacwadii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in go’aanka maxkamada uu ahaa guul u soo hoyatay ummada Soomaaliyeed, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey dacwadaasi dhamaadkeeda in ay noqoto mid loo wada riyaaqo insha allah.

Previous Post

140 Soomaali ah oo dib u dajin ka helay Mareykanka oo dib loogu celiyey xeryaha qaxootiga Kenya

Next Post

Danjiraha Britain ee Soomaaliya oo la kulmay Qurbajoog Soomaali ah+Sawirro

Next Post
Danjiraha Britain ee Soomaaliya oo la kulmay Qurbajoog Soomaali ah+Sawirro

Danjiraha Britain ee Soomaaliya oo la kulmay Qurbajoog Soomaali ah+Sawirro

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In