Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cammaan (29 Maarso, 2017)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 28aad ee Jaamacadda Carrabta, ayaa la wadaagay madaxda ka qeybgalaysa shirka horumarka ka jira dalka iyo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dunida Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, jahwareer siyaasadeed iyo dhibaato dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay madaxda Carbeed in ay u midoobaan sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

“Waxaan u baahannahay inaan mideyno dadaalkeenna si looga gudbo caqabadaha na horyaalla. Waa inaan dardargelinaa sidii loo ilaalin lahaa mustaqbalka dadkeenna. Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku dagaallamaya Ciraaq, Suuriya, Liibiya iyo Yemen in ay colaadda joojiyaan.”

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale, ku sheegay khudbad qoraal ah oo loo qeybiyay wufuuda ka qeyb galaysa shirka, in dimuqraadiyadda ka hana qaadday Soomaaliya ay tilmaam wanaagsan u tahay horumarka iyo soo kabashada dalka.

“Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinka hareeyay dunida Carabta, haddana waxaan bishaaro idiinkaga wadaa Soomaaliya, oo bilowgii sanadkan ay ka dhaceen doorashooyin, si nabad ah ku dhamaaday oo aan horay loo arag, dimoqraadi ah, xor ah, daah furan oo dunida oo dhan ay daawaneysay, ka soo bilow doorashooyinkii Barlamaanka. Waxaa xigay doorashadii madaxweynaha oo aan ka xamaasad yareyn, taas oo xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ay doorteen madaxweyne cusub, iyaga oo ka turjumaya rabitaanka Shacabka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula taliyay walaalaha Carbeed ee dalalkoodu ay ka jiraan dagaallada in ay cashar ka bartaan waayaha ay soo martay Soomaaliya, isaga oo u sheegay in xalka kaliya ee looga gudbi karo khilaafyada haatan ka jira dalalkooda in ay tahay in ay wada xaajood iyo isu tanaasul.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qiray in wali Soomaaliya ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin abaaro dad iyo duunyaba laayay oo isu badalay xaalad macaluul oo ay wehliso amni xumo oo ay sababtay argagixisada caalamiga ah.

“Abaaraha ka jira Soomaaliya waxay sababeen in xoolo badan ay dhintaan, taasoo dhaawacaysa ishii ugu muhiimsanayd dhaqaalaha dalka. Dad ka badan 3 milyan oo ruux ayaa haatan wajahaya duruufo khatar galin kara naftooda, haddii aan lala gaarin gargaar degdeg ah. Si looga gudbo caqabadahaas, waxaa loo baahanyahay inaan la imaanno qorshayaal maan-gal ah iyo taageero hagar la’aaneed oo ay nala garab istaagaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa yiri “Argagixisada waa khatarta ugu weyn ee Soomaaliya ka hortaagan horumarka iyo xasilloonida xilliyadii u dambeeyay. Waxaan ugu baaqayaa caalamka oo idil in ay meel qura uga soo wada jeeestaan, lana mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo argagixisnimada.”

Dhammaad

Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta ee
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

Previous Post

Safiirka Soomaaliya Ee Wadanka Malaysia oo ka Mid Noqday Safiir sharafeed soo dhaweeyay Madaxweynaha Faransiiska

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo casho sharaf mahadcelin ah u sameeyey Xildhibaanada BFS.

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo casho sharaf mahadcelin ah u sameeyey Xildhibaanada BFS.

Ra'iisul Wasaaraha oo casho sharaf mahadcelin ah u sameeyey Xildhibaanada BFS.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In