Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 30, 2017
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cammaan (29 Maarso, 2017)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 28aad ee Jaamacadda Carrabta, ayaa la wadaagay madaxda ka qeybgalaysa shirka horumarka ka jira dalka iyo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dunida Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, jahwareer siyaasadeed iyo dhibaato dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay madaxda Carbeed in ay u midoobaan sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Waxaan u baahannahay inaan mideyno dadaalkeenna si looga gudbo caqabadaha na horyaalla. Waa inaan dardargelinaa sidii loo ilaalin lahaa mustaqbalka dadkeenna. Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku dagaallamaya Ciraaq, Suuriya, Liibiya iyo Yemen in ay colaadda joojiyaan.”

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale, ku sheegay khudbad qoraal ah oo loo qeybiyay wufuuda ka qeyb galaysa shirka, in dimuqraadiyadda ka hana qaadday Soomaaliya ay tilmaam wanaagsan u tahay horumarka iyo soo kabashada dalka.

“Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinka hareeyay dunida Carabta, haddana waxaan bishaaro idiinkaga wadaa Soomaaliya, oo bilowgii sanadkan ay ka dhaceen doorashooyin, si nabad ah ku dhamaaday oo aan horay loo arag, dimoqraadi ah, xor ah, daah furan oo dunida oo dhan ay daawaneysay, ka soo bilow doorashooyinkii Barlamaanka. Waxaa xigay doorashadii madaxweynaha oo aan ka xamaasad yareyn, taas oo xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ay doorteen madaxweyne cusub, iyaga oo ka turjumaya rabitaanka Shacabka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula taliyay walaalaha Carbeed ee dalalkoodu ay ka jiraan dagaallada in ay cashar ka bartaan waayaha ay soo martay Soomaaliya, isaga oo u sheegay in xalka kaliya ee looga gudbi karo khilaafyada haatan ka jira dalalkooda in ay tahay in ay wada xaajood iyo isu tanaasul.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qiray in wali Soomaaliya ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin abaaro dad iyo duunyaba laayay oo isu badalay xaalad macaluul oo ay wehliso amni xumo oo ay sababtay argagixisada caalamiga ah.

“Abaaraha ka jira Soomaaliya waxay sababeen in xoolo badan ay dhintaan, taasoo dhaawacaysa ishii ugu muhiimsanayd dhaqaalaha dalka. Dad ka badan 3 milyan oo ruux ayaa haatan wajahaya duruufo khatar galin kara naftooda, haddii aan lala gaarin gargaar degdeg ah. Si looga gudbo caqabadahaas, waxaa loo baahanyahay inaan la imaanno qorshayaal maan-gal ah iyo taageero hagar la’aaneed oo ay nala garab istaagaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa yiri “Argagixisada waa khatarta ugu weyn ee Soomaaliya ka hortaagan horumarka iyo xasilloonida xilliyadii u dambeeyay. Waxaan ugu baaqayaa caalamka oo idil in ay meel qura uga soo wada jeeestaan, lana mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo argagixisnimada.”

Dhammaad

Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta ee
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

Previous Post

Safiirka Soomaaliya Ee Wadanka Malaysia oo ka Mid Noqday Safiir sharafeed soo dhaweeyay Madaxweynaha Faransiiska

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo casho sharaf mahadcelin ah u sameeyey Xildhibaanada BFS.

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo casho sharaf mahadcelin ah u sameeyey Xildhibaanada BFS.

Ra'iisul Wasaaraha oo casho sharaf mahadcelin ah u sameeyey Xildhibaanada BFS.

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In