Friday, September 22, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo la kulantay Soomaalida Ohio.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 20, 2020
in Wararka
0
Marwo Caasho Geelle Diiriye oo la kulantay Soomaalida Ohio.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

September 21, 2023
R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

September 21, 2023

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Marwo Asha Gelle Diriye oo wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qosyka ka soo noqotay Puntland kana mid ahayd dadkii wax ka qoray Dastuurka Soomaaliya ee hada jira.

 
Marwo Asha oo hada ka shaqeeysa arimaha bulshada madaxna ka ah Hay’ada The Asha Gelle Foundation ayaa lagu amaanay doorkeeda isbadal doon iyo sida ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegto gaar ahaan Samafalka.
 
Inta baddan dadkii ka hadlay xaflada ayaa ku tilmaamay Asha in ay tusaale wanaagsan u tahay Haweenka Soomaaliyeed iyaga oo ku booriyay in ay sii wado howlaha Samafalka iyo tilmaamaha wanaagsan.
 
Marwo Asha ayaa ka warbixisay xaalada Dalka iyada oo dhanka kale ka sheekeysay xaaladaha ku gadaaman Dowladnimada Soomaaliya iyo in meel fiican loo socdo lagana yimid meel aan la dhayal san karin.
 
Waxay ku boorisay dadkii ka soo qeybgalay in ay dalka ku celiyaan Maskaxdooda, Aqoontooda iyo Hantidooda kuna xisaabtamaan in dalku sugayo oo aysan cidina buuxinayn doorkooda.
 
Waxa la gudoonsiiyay Shahaado Sharaf iyo Abaalmarin ay siiyeen Dalada isku taga Ganacsatada Soomaaliyeed ee Mareykanka fadhigeeduna yahay Columbus.
 
Waxa ay kulamo la qaadatay qeybaha bulshada waxayna inta baddan dadka ku dhiirogalinaysay in dalkii sugayo iyo in fursado baddan oo ay ka faaiideysan karaan ay yaalaan iyada oo dhanka kale amaanku uu yahay hadba sidii Alle qadaro. 
 
Waxay amaantay horumarka ay Soomaalidu ka samaysay Ohio iyo sida loola saan qaaday dadkii dalkan uga soo horeeyay dhanka Ganacsiga, Waxbarashada, Deegaanka iyo arimaha isdhexgalka, waxayna boorisya isku dayga ay ku doonayaan in ay ka dhex muuqdaan siyaasada goboka si lamid ah gobolada kale ee ay soomaalidu ku baddantahay
 
Deeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio
Previous Post

Wasiirka Ganacsiga DFS oo ka qayb galaya bandhig Carweedka Ganacsiga oo ka furmaya dalka suudaan

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday Dhaawacyadii Isbitaalka Erdoğan ee Magaalada Muqdisho.

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday Dhaawacyadii Isbitaalka Erdoğan ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday Dhaawacyadii Isbitaalka Erdoğan ee Magaalada Muqdisho.

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

September 21, 2023
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u...

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

September 21, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay Agaasimaha Maamulka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

September 21, 2023
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadajir ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, mudane...

Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn-cafinta”

Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn-cafinta”

September 21, 2023
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamijka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In