45 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen, 170 kalena ay ku dhaawacmeen weerary loo adeegsaday gaaro xamuul ah oo qaraxyo lagu soo buuxiyay kaasoo saakay ka dhacay magaalada Qamishli oo ku taal waqooyiga dalka Suuriya.
Weerarkan ayaa la sheegay in lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalaa magaaladaasi wuxuuna sababay qaraxani burbur aad u xooggan iyo dhimashada 45 qofood iyo dhaawaca 170 kale iyadoo la rumeysanyahay in tirada dhimashadu ay intaa ka sii badantahay..
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looga oga cidda ka dambeysa weerarkan, balse bogga internetka ay ku leeyihiin ISIS ayaa lagu qoray in qarax ismiidaamin ah lala beegsaday saldhig ciidan oo magaalada Qamishli ku yaal, laakiin laguma sheegan mas’uuliyadda weerarka.