Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Ciyaartiooyda Soomaaliya uga qeybgeleysa ciyaaraha Olimbikada Brazil oo ku jira diyaar-garowgoodii ugu dambeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Ciyaartiooyda Soomaaliya uga qeybgeleysa ciyaaraha Olimbikada Brazil oo ku jira diyaar-garowgoodii ugu dambeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoonka Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho waxaa maalmahan uga socda tababar isdabajoog ah kooxda uga qeyb galeysa Soomaaliya ciyaaraha Olimbikada ee ka furmaya horraanta bisha dambe magaalada Rio de Janeiro ee dalkaasi Brazil.

Kooxdan tababaraneysa ayaa waxaa ka baxaya oo keliya labo ruux oo kala ah Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Da`uud Maxamed kuwaas oo Soomaaliya u mateli doona ciyaaraha islamarkaana calanka Soomaaliyeed qaadi doona.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Maryan oo qaranka Soomaaliya horay ugu soo safatay sanooyinkii u dambeeyay ayaa waxa ay ka qeyb gashay tartamo ka dhacay dalalka Kenya, Republic of Congo, Botswana, Tanzania, Ethiopia iyo China, waxaana ay ordi doonta tartanka orodka ee 400 mitir.

Maxamed oo isna qaranka Soomaaliyeed u safanaya sanadkan ayaa waxaa uu asal ahaan kasoo jeedaa dhulka lagu magacaabo  Waqooyi-bari Kenya, waxaana uu isna Soomaaliya u ordi doonaa tartanka 5,000 mitir.

Tababaraha ciyaartoyda Maxamuud Cadow Nuur ayaa rajeynaya in ay natiijo wanaagsan ka gaaraan ciyaartan, waxaana uu tiiriikh kooban ka bixiyay qaabkii awal loo xulan jiray ciyaartoyda.

” Waagii hore, ragga orodka ugu wanaagsan waxaa qaadan jiray ciidamada, dabadeed dibadda ayaa loo diri jiray kuwooda fiic-fiican oo tababar dheeraad ah ayaa lagu soo siin jiray, balse marki ay dowladdi bur-burtay waxaasoo dhan meesha waa ay ka bexeen”, ayuu yiri Mr. Maxamuud.

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galka Soomaaliya ee ciyaarahan ku faraxsan madaxweynaha Olibikada Soomaaliyeed marwo Khadiija Aaden Daahir oo iyana rajeyneysa in ciyaarahan Soomaaliya kasoo hoyiso natiijo fiican.

Maxamed Xasan Maxamed oo sanadkii 2012-ka u matalay Soomaaliya ciyaarihii London Olympics ayaan dib ugu soolaaban dalka marki ay dhamaadeen ciyaaraha, waxaana uu qoxooti iska dhiibay dalka Ingriiska.

olimbig2 olimbig1

olimbig3

olimbig4

olimbig5

olimbig6

Previous Post

45 qofood oo ku dhimatay qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah oo ka dhacay dalka Siiriyo

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In