Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

5 Qodob oo Soomaaliya ay ka faa’iidday ka qeyb galka Shirka Madaxeedka 30aad ee Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
5 Qodob oo Soomaaliya ay ka faa’iidday ka qeyb galka Shirka Madaxeedka 30aad ee Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galkiisa Shirka 30-aad ee Madaxda Afrika  ayaa muhiimad gaar ah lahaa, maadama uu yahay shirkii ugu horreeyey ee Madaxda Afrika ay isugu yimaadeen oo uu ka qeyb galayo Madaxweynuhu tan iyo markii la doortay.

Haddaba Shirkaasi Maxay Soomaaliya ka faa’iiday

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
  1. Soomaaliya markii ugu horreysay ayaa lagu casumay shirka dhaqaalaha wadamada Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo ka dhici doona dalka Burindi bisha Afaraad ee sanadkan.

Arrinkan ayaa yimi kaddib shir gaar ah ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne K/xigeenka dalka Burundi Gaston Sindimwo.

Shirkan ayaa fursad u noqon doona ganacsatada Soomaalida ah madama Dowladu ay ka qeyb galkeeda ku soo gudbindoonto fursadaha ganacsi ee dalka iyo iskaashiga ganacsatadu ay la sameyn karaan dalalka ku baheynsan uruka dhaqaalaha ee COMESA oo ah dalalka ugu badan ee ay ka shaqeystaan ganacsatada Soomaaliya.

  1. Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in isbaheysi ay ka sameysato Afrika oo ku aadan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka ka dib markii uu soo dhammaado howlagalka AMISOM.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dadaal u galay in Afrika ay ka qeyb qaadato dib u dhiska Ciidanka Qaranka, iyaddoona uu kulamo ku aaddan arrinkan la qaatay Madaxweyneyaasha Dalalka Jabuuti, Suudaan, Yugaandha, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale, taasi oo keentay in Madaxdaasi ay kala hadlaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay sidii loo taageeri lahaa dib u dhiska Ciidamada Qaranka.

  1. Aragtida hoggaanka Afrika ay ka aaminsanaayeen dalka ee ahayd in Soomaaliya ay hooy u tahay musuq maasuqa ayuu Madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay, kaddib khudbaddi uu goobta ka jeediyey oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay dagaal ballaaran kula jirto la dagaalanka musuq maasuqa iyadoona dhabaha u xaareysa hannaan maamul oo lagu kalsoonaan karo, muddadii koobneyd ee dowladdani ay jirtayna ay ku tallaabsatay guul ku saabsan la dagaalanka musuq maasuqa, oo qaar ka mid ah ay ka markhaanti kaceen beesha caalamka gaar ahaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka.
  2. Farriimaha kale ee laga dhix karo ka qeyb galka shirkan ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay sii adkaysatay codka ay ku lahayd go’aan ka gaarista arimaha Qaaradda Afrika, iyadoona Madaxweyne Farmaajo ay ka waa hadleen in badan oo ka mid ah Madaxda Afrika sidii dib loogu habeyn lahaa Hay’adaha iyo shaqada ururka Midowga Afrika taas oo ka tarjumaysa muhiimadda iyo kaalinta Soomaaliya ay kaga jirto ururkan.

 

  1. Waxaa la dar dar geliyey qorshaha Dowladeed ee ku saabsanaa ilaalinta danaha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaaliyadaha ku dhaqan wadamada Afrika oo Madaxweyne Farmaajo uu si gaar ah u gala dar daarmay madaxdii uu la kulmay, sida Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salfakeer Mayaardiit oo uu kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkiisa iyo in la ilaaliyo hantidooda iyo maalkoodaba, iyaguna ay qeyb ka noqdaan horumarka iyo iskaashi wanaagsan oo dhex mara labada dal.

Guud ahaan wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galay shikan waxa ay muujiyeen fir fircooni iyo biseyl ku saabsanaa arrimihii shirka lagu soo qaatay taas oo noqotay mid ay si weyn u tilmaamaan dadkii indhaha ku hayey Shir Madaxeedka 30aad ee Wadamada Afrika ee Addiis 2018.

 

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka qaranka oo sheegay inay furantahay qabashada araajida kuraasta ka banaan golaha shacabka.

Next Post

Eng. Yarisow “Isla-xisaabtan iyo daah-furnaantu waa mid kamid ah wax yaabaha mudnaanta sare u leh Maamulka Gobolka Benaadir” SAWIRRO

Next Post
Eng. Yarisow “Isla-xisaabtan iyo daah-furnaantu waa mid kamid ah wax yaabaha mudnaanta sare u leh Maamulka Gobolka Benaadir” SAWIRRO

Eng. Yarisow “Isla-xisaabtan iyo daah-furnaantu waa mid kamid ah wax yaabaha mudnaanta sare u leh Maamulka Gobolka Benaadir” SAWIRRO

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In